Shirguddoonka Wakiillada oo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda u gudbiyey Sharci-yaqaannada Golaha

0
Monday December 06, 2021 - 11:54:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirguddoonka Wakiillada oo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda u gudbiyey Sharci-yaqaannada Golaha

    Shirguddoonka Wakiillada oo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda u gudbiyey Sharci-yaqaannada Golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirguddoonka Wakiillada oo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda u gudbiyey Sharci-yaqaannada Golaha



Hargeisa(HWN):-Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xeerka furista Ururrada Siyaasadda oo Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey u gudbiyey Sharci-yaqaannada Golaha Wakiillada.



Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inay Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda ee Xeer Lr.14 ee Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey loo gudbiyey garyaqaannada Golaha si ay talo sharci uga soo bixiyaan, dibna ugu soo celiyaan Goleweynaha.

Xeer L.14 oo ay ansixiyeen Golihii hore ee Wakiillada iyo Golaha Guurtida oo u gudbiyey madaxweynaha Somaliland dabayaqaada bishii April ee sannadkan, ayaa la filayey inuu madaxweynuhu ansixiyo si uu meelmar u noqdo xeerkan oo ururrada siyaasadda loo furo ka hor doorashada madaxtooyada, haseyeeshee madaxweynaha ayaa dib ugu soo celiyey Golaha cusub ee Wakiillada.

Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiillada oo maalintii shalay furmad, ayaa maanta xildhibaannada loogu qaybiyey ajandaha fal-fadhiga Golaha oo socon doona muddo saddex bilood ah.

Loading...
Loading...