Soomaaliya & Itoobiya oo ka wada hadlay Amniga & dhaqaalaha.

0
Monday December 06, 2021 - 08:42:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya & Itoobiya oo ka wada hadlay Amniga & dhaqaalaha.

    Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxaa kale oo ay kaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxaa kale oo ay kaga




Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u jooga Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal ee ddhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.


Safiirka ayaa la wadaagay Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali hambalyo iyo salaan ku aaddan xilkan qaran ee loo magacaabay oo uu uga siday dhiggiisa dowladda Itoobiya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxaa kale oo ay kaga wada hadleen waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM iyo iskaashiga labada dal ee arrimaha geeska iyo qaaradda ba.
Loading...
Loading...