Maxay Tahay Sababta Warbaahinta Trump Loogu Uruuriyay $1bn Oo Doolar?

0
Monday December 06, 2021 - 07:39:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Warbaahinta Trump Loogu Uruuriyay $1bn Oo Doolar?

    "Warbaahinta Trump Media & Technology Group waxay qaadan doontaa kaalin xooggan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warbaahinta Trump Media & Technology Group waxay qaadan doontaa kaalin xooggan"

Shirkadda cusub ee baraha bulshada u qaabilsan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegtay inay uruurisay $ 1bn oo doolar taas o ay ka heshay dad maalgashato ah ka hor soo saarista liiska suuqa saamiyada ee la qorsheeyay.



Kooxda Trump u qaabilsan warbaahinta iyo Teknooloojiyadda ayaa ka shaqeyneysaa inay xarigga ka jarto sanadka nagu soo aadan bar cusub oo oo lagu magacaabo Truth Social.


Waxay arrintani imaaneysaa xilli Trump laga mamnuucay Twitter-ka iyo Facebook ka dib weerarkii lagu qaaday Aqalka Capitol ee Mareykanka bishii January ee sanadkii tegay.


"Uruurinta $ 1bn oo doolar waxay fariin muhiim ah u direysaa shirkadaha waaweyn ee qaabilsan teknooloojiyadda, waa in la joojiyaa faquuqa siyaasadeed" ayay tiri shirkadda.


"Warbaahinta Trump Media & Technology Group waxay qaadan doontaa kaalin xooggan si ay ula dagaallanto shirkadaha waaweyn ee teknooloojiyadda"


Mr Trump ayaa ku dhawaaqay qorshayaal uu ku bilaabayo barta logu magac daray Truth Social horaantii sanadkan, isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal hufan oo waafaqsan fikraddiisa siyaasadeed.


Kooxda Trump Media & Technology waxay iskaashi la sameeyeen shirkado kale oo howshan ka caawiyay.

Sabtidii waxay sheegeen in hal bilyan oo doolar ay ka heleen kooxo kala duwan oo maalgashato ah iyagoo aanan magac dhabin waxa ay yihiin maalgashatadaas.


Sida ay wararka sheegayaan, ganacsigan baraha bulshada ah ayaa hadda lagu qiimeeyaa ku dhawaad $4bn oo doolar.


Waxay arrintani ka dhigan tahay in madaxweynihii hore ee Mareykanka uu haatan helayo taageera dhaqaale oo xooggan inkasta uu muran badan ka dhaliyay Mareykanka wakhtigii uu xilka hayay.


Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa laga mamnuucay isticmaalka baraha bulshada ka dib weerarkii 6-dii Janaayo ay taageerayaashiisa ku qaadeen Aqalka Mareykanka ee Washington DC iyadoo laga walaacsan yahay in i uu huriyo rabshado kale.


Waxay arrintani timid ka dib markii Trump uu sheegay, isaga oo aanan wax caddeyn ah, in doorashadii ka dhacday Mareykanka ay harreeysay wax isdaba marin baahsan.


Trump waxaa bartiisa Twitter-ka u xirneyd 89 milyan oo qof halka Facebook-kiisa ay ku xirneyd 33 milyan oo qof, waxaa barta uu ku lahaa Instagram-ka taabacsaneyd 24.5 milyan oo qof, hawada ayaana laga saaray, sida laga soo xigtay shirkaddiisa.

 

BBC

Loading...
Loading...