Xayawaan Hor Leh Oo Laga Helay Fayraska Koroona

0
Monday December 06, 2021 - 07:30:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayawaan Hor Leh Oo Laga Helay Fayraska Koroona

    "Inta aqoontayda ah, waa markii ugu horreysay ee Jeer laga helo cudurkan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inta aqoontayda ah, waa markii ugu horreysay ee Jeer laga helo cudurkan"

Mas'uuliyiinta beer xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ku taal dalka Belgium-ka ayaa sheegay in laba ka mid ah jeerta ku nool beertaasi la karantiilay kaddib markii laga helay fayraska Korona.



Ma cadda sida labadani Jeerta ahi oo lagu kala magacaabo Imaani oo 14 sano jir ah iyo Hermien, oo 41 sano jir ah, ay u qaadeen fayraska cudurkani.


Maamulka beertan oo lagu magacaabo Antwerp ayaa sheegay Jeertaasi lagu arkay astaamaha cudurkaasi sida diif ka qulqulaya sankooda.


Xayiraado ayaa lagu soo rogay beertani xayawaanka ilaa iyo inta ay labadani Jeer jirkooda laga waayayo fayraska cudurkaasi.


Horey waxaa caalamka oo dhan uga jiraya warar sheegayay in xayawaanno kala geddisan laga helay cudurkan dunida saameeyay.


Sida caadiga ahi, sanka Jeerta ayaa ah mid inta badan qoyan balse dhakhaatiirta ku takhasusay cudurrada ku dhaca xayawaanka ee beerta Antwerp ayaa waxay go'aansadeen in ay baaraan diif ka qulqulayay labadani Jeer, waxaana markiiba la xiray halkii ay beerta ka joogeen.


Shaqaalihii xannaanadooda ka shaqeynayay oo markii la baaray laga waayay cudurkaasi ayaa hadda la amray in ay af-saabtaan isla markaana ay xirtaan muraayadaha indhaha ayna isticmaalaan jeermis-dile ka hor inta aysan taaban ama wax siin Jeerta kale ee halkaasi ku jirta.


"Inta aqoontayda ah, waa markii ugu horreysay ee Jeer laga helo cudurkan. Adduunka oo dhan fayraskan waxaa inta badan lagu arkay daanyeerta iyo bisidaha," ayuu yiri Francis Vercammen oo ah dhakhtar ka hawlgala beertaasi.


Horraantii usbuucan ayaa dowladda Canada waxay xaqiijisay in cudurkan laga helay deero, waana markii ugu horreysay oo cudurkan laga helo ciddoodka dalkaasi ku nool.


Balse maadaama inta badan aan baaritaan lagu sameyn ugaarta iyo duurjoogta kale, cidna ma xaqiijin karto sida uu cudurkan ugu dhex faafay ciddoodka iyo xayawaanaadka kale.

 

BBC

 

Loading...
Loading...