Faysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay Xadhiga Sayidka Barakaysan

0
Sunday December 05, 2021 - 22:52:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay Xadhiga Sayidka Barakaysan

    Faysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay Xadhiga Sayidka Barakaysan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay Xadhiga Sayidka Barakaysan


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci jabin iyo xoriyatul qowlkii oo meel lagaga dhacay ku tilmaamay xadhiga loo gaystay jilaaga da'da yar ee Idiris Ilig (Sayidka Barakaysan), oo xabsiga la dhigay kadib markii uu jilay riwaayad duraysa xukuumada Biixi.



Faysal ayaa sheegay in xoriyatul qowlku kamid yahay waxyaabaha ay Somaliland adduunka ka iibiso, sidaa darteedna ay tahay in la dhowro.

"Xadhiga lagu xidhay dhalinyaradii sheekadii qosolka ahayd samaysay, ee matalaysay dowlad aan waxba qaban, waxyaabaha aynu iibino waxa ka mid ah Doorashooyinka, Nabada iyo Xoriyatul-qowlka, haddii cid la Xidhaayo waxa fiicnayd in la Xidho kuwa Qabyaalada ku hadlaaya, ee Salaadiinta sheeganaaya" Ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu sii daayo Sayidka Barakaysan iyo Dhalinyarada Ruiwaayada kula jirtay oo la sheegaayo inay iyaguna Xidhan yihiin, isagoo sheegay in Xadhigoodu uu Distoorka baalmarsan yahay.

"Inamo yar yar oo Ruwaayad sameeyay marka la yidhaa waala xidhay, Xoriyatul-qowlkii ayaa meel lagaga dhacay, Distoorkeenuna wuu ka soo horjeedaa, Madaxweynaha waxan ka codsanaya in dhalinyarada la soo daayo, Xadhiga aan loo Aabo yeelayna la joojiyo" Ayuu yidhi Faysal.

Idiris Ilig oo loo garan ogyahay Sayidka Barakaysan, ayaa Xabsiga la dhigay kadib markii uu jilay Ruwaayad tilmaamaysa in Xukuumadda Biixi aanay waxba qaban afartii sanno ee ay joogtay.

Loading...
Loading...