Tirada Askar Ku Dhimatay Dagaal Dhexmaray Somaliland Iyo Puntland

0
Wednesday May 22, 2019 - 01:20:24 in News by
  • Visits: 17321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Askar Ku Dhimatay Dagaal Dhexmaray Somaliland Iyo Puntland

    Tirada Askar Ku Dhimatay Dagaal Dhexmaray Somaliland Iyo Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada Askar Ku Dhimatay Dagaal Dhexmaray Somaliland Iyo Puntland


Muqdisho(HWN):-Ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka Punland ayuu dagaal ku dhexmaray deegaanka dhamala Cagara oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Image result for war deg deg ah


Dagaalkan oo khasaare dhimasho ahi ka dhashay ayaa yimid ka dib markii wasiirka waxbarashada maamulka Puntland uu isku dayey inuu socdaal ku yimaado deegaanka Carmala oo ka tirsan gobolka Badhan oo uu wakhtigaas ku sugnaa wasiirka cadaalada somaliland.


Warar laga helayo deegaanka gobolka Badhan ayaa sheegaya in ciidamada somaliland ay is hortaageen wasiirka waxbarashada maamulka Puntland ka dib markii uu isku dayey inuu soo galo deegaanka Carmala oo uu ku sugnaa wasiirka cadaalada somaliland.


Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arimaha gudaha maamulka Puntland Muuse Deeq Soomajeeste ayaa shaaciyey khasaare ciidanka Puntland ka soo gaadhay dagaal deegaanka Dhamala Cagare ku dhexmaray ciidamada qaranka somaliland "Sadex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen kuwaas oo maamulka Puntland ka dhintay, dhinaca kalana dhaawacyo iyo maydad badan ayaa laga sheegayaa.”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee maamulka Puntland oo la hadlay bulshotv.



Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...