Xoolo-dhaqatada Saylac Iyo Lughaya Oo Ka Cabanaya Kastamada Cashuuraha Caasha-cado Ee G/Salal.

0
Sunday December 05, 2021 - 18:59:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoolo-dhaqatada Saylac Iyo Lughaya Oo Ka Cabanaya Kastamada Cashuuraha Caasha-cado Ee G/Salal.

    "Waxa ay soo qabteen xaaskayga oo wada dhawr neef oo ay qoysas kala duduwan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa ay soo qabteen xaaskayga oo wada dhawr neef oo ay qoysas kala duduwan"

Boorama (HWN) Waxa isa soo taraya cabashooyinka ay dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan degaanada gobolada Awdal Salal gaar ahaan degmooyinka Saylac iyo Lughaya ay ka muujinayaan kastamada canshuuraha Caasha-cado iyo Lawyacado, kadib markii sida ganacsatada looga cashuuray neef-neef ay u wadeen dhinaca Jabuuti si ay ugu iibgeeyaan ugu dabaraan nolosha qoysaskooda ee ay abaaruhu saameeyeen.

 

Xasan Buux Ducaale oo ah reer miyi ku nool degaanka Ceel-gaal ayaa noqday dhibanihii u dambeeyay ee cashuurtan ka cabanaya waxana isaga oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay shabakada uu tilmaamay in masuuliyiinta kastanka Caasha-cado ay dhawr maalmood hayeen ooridiisii iyo xoolo ay isku soo dar-darsadeen reer baadiyuhu, markii dambana ay qasab kaga cashuureen.

 

"Waxa ay soo qabteen xaaskayga oo wada dhawr neef oo ay qoysas kala duduwan oo reer Baadiye ah isku soo dardareen oo ay Djibouti ku waday, waa la xidhay, qasabna waa looga cashuuray xoolahii oo calaa-neef laga qaday lacag dhan 700 oo faranka Djibouti ah”

 

Xasan waxa uu falkan ku tilmaamay mid ugub ah oo aanan hore u soo marin noloshiisa waxana uu yidhi "Taliskii Milatariga ee Siyaad, Dagaaladii Sokeeye, ilaa Somaliland, reer baadiya wax wax waydiinaya ma arkin, waa nagu ugub tan oo kale, ganacsato ma nihin, marka ay dayntu na culaysiso ee ay nolosho adkaato ayaan waligayaba neef-neefka isku dari jirnay oo aan iibgayn jirnay”

 

"Hada xaalku waxa uu u egyahay in meeshaada ku baqti ay tahay oo ragan kastamada ma kala garanayaan ganacsadahii iyo kii degaanka ahaa ee reer baadiyaha ahaa, waxana jira dad kale oo ila mid ah oo sidan oo kale ay qabsatay, culaykana dareensan, markaa waxaan xukuumada leeyahay arintan wax ha laga qabto”

 

Dhinacooda ayaa arintan waxa cambaareeyay Farxaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, waxana uu ku tilmaamay habdhaqankan mid aan gurmad u ahayn dadka reer baadiyaha ah ee degaankaas ee ay abaaruhu naafeeyeen ee xukuumada looga fadhiyay inay u gurmato.

 

"Degaankan waa mid sidiisii kalaba udib-dhacsanaa, maantana waxa muuqata in uu gacanta xukuumada Kulmiye ku saqiirayo, waa wax aan la qaadan Karin in madaxda kastamadu ay kala saari waydo xoolaha loogu talo-galay ganacsiga iyo kuwa ay reer baadiyuhu wataan ee ay iibgaynayaan, waanan cambaaraynaynaa ka xisbi ahaan cashuurahaas lagu soo rogay xoolahii ay wateen dadka reer miyaga ah ee degaanka degmada Saylac”

 

Siyaasi Farxaan ayaa isaga oo hadalka sii wata iftiimiyay meesha ay sirtu ka qudhun-san tahay waxana uu yidhi " Dadka degaanku waa dad dawladnimada u hogaansan, dalkana jecel, balse waxa ay waayeen ama la’yihiin masuul garasho leh oo kala garanaya kan reer guuraaga ah iyo kan ganacsatada ah, xoolaha loogu talo galay "gadiska” iyo kuwa gasiinka ah, Mishkilada oo dhana waxa ay ku soo ururaysaa madaxda kastamada iyo kuwa ka sareeya ee laga soo magacaabo Hargaysa ee aaminsan inay dakhliga kordhiyaan, balse aan dantaba ka lahayn nolosha dadka ee ay ku tumanayaan”



Maxamed Bili bili

Hadhwanaagnews

Borama

Loading...
Loading...