Nuxurka Fariin Uu Gudoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland U Diray Bulshada.

0
Sunday December 05, 2021 - 18:45:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Fariin Uu Gudoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland U Diray Bulshada.

    "Guddoomiyaha Ururka dimuqraadiga shacabka Somaliland Axmed Cabdalla"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddoomiyaha Ururka dimuqraadiga shacabka Somaliland Axmed Cabdalla"

Guddoomiyaha ururka  dimuqraadiga shacabka Somaliland Axmed Cabdalla ayaa bulshada ugu baaqay inay adkeeyaan midnimada iyo wadajirkooda.

 

Guddoomiyaha xisbiga  dimuqraadiga shacabka Somaliland  Axmed Cabdala ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu Kula dardaarmay umada  Somaliland inay iska ilaaliyaan wixii dhaawacaya midnimadooda Isla markaana ka feejignaadaan kala qaybinta wadajirkooda.

 

Guddoomiyaha xisbiga  dimuqraadiga shacabka Somaliland Axmed Cabdalla oo haatan ku sugan Holland ayaa warsaxaafadeedka uu saaray waxa kale oo uu shacabka Somaliland ugu soo jeediyey inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan ilaalinta nabadgalyada maadaama oo wadamada jaarka la ah ay ka jiraan xaalado colaadeed.

 

Guddoomiyaha xisbiga  dimuqraadiga shacabka Somaliland Axmed Cabdalla waxa kale oo uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in masuuliyada gaar ah layska saaro ilaalinta hantida qaranku leeyahay isaga oo xusay in ururkiisu balanqaadayo sinaan iyo cadaaladu loogu shaqeeyo Isla markaana hantidooda loo ilaalin doono iyada oo laga jawaabayo baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira.

 

gudoomiye Axmed Cabdalla  waxa kale oo uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sharciga la hor keeno cidii faafisay Waraaqihii cadaynayey  kharashaadkii xad dhaafka ahaa ee ay gashay xukuumadii Axmed Siilaanyo, isaga oo tilmaamay in qaabka ay dibada ugu soo baxeen ay baalmarsan tahay nidaamka dawladnimo, waxaanu soo jeediyey inaan loo baahnayn in arintaasi ay markale dhacdo Isla markaana laga feejignaado.


Loading...
Loading...