Kursi La Weeeraraa Kursi La Weeraro Ayuu Leeyahay
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa qoray Sheekadani:-
Siyaasigii weynaa ee
Xasan Abshir ayaa Ilaahay haw naxariistee beri ayuu xafiis siyaasadeed ka
furtay Garoowe. Kolkaa waxa Puntland madaxweyne ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf
Ilaahay haw naxariistee. Haddaba Xasan Abshir masaajid u dhow xafiiskiisa ayuu
salaadda subax ku tukan jiray ka dibna xafiiskiisa ayuu iman jiray halkaasoo uu
siyaasiyiin badan kula shiri jiray. Haddaba dhowr jeer ayuu Xasan Abshir u
holadday ama doonay in uu salaadda subax tujiyo oo uu sheekhii masaajidka ka
codsaday. Sheekhii masaajidkuna wuu ka dhego adaygay codsigaasi. Maalintii
danbe ayuu Sheekhii ka soo yara habsaamay xilligii salaadda subax la tukan
jiray. Xasan Abshir oo sida caadaddu ahayd ka mid ahaa dadkii subax walba ku
tukan jiray ayaa dadkii masaajidka ku dhiiri-geliyey in ay iska sii tukadaan
maadama aanu Sheekhii weli imanin xiligaasi. Wax ay is yara adkeeyaanba waa la
aqiimay oo salaaddii waxaa tujiyey Xasan Abshir. Sheekhii ayaa yimid iyaddoo
rakcaddii labaad lagu jiro oo jamacii ayuu xagga danbe kaga xidhay kolkuu
dhameystayna intuu deg-deg kabahiisii u xidhay ayuu tegay xafiis siyaasadeedkii
uu Xasan Abshir ka ag furtay masaajidka.
Ninkii xafiiska hayey ayuu ku yidhi odaygii baanu balansanahaye bal ii fur xafiiska. Waa sheekhii masaajidkee waa la aqbalay oo xafiiskii Xasan Abshir ayaa loo furay oo kursigiisii ayaa intuu ku fadhiistay oo isku wareejiyey. Cabaar yar ka dib waxaa soo galay Xasan Abshir oo kolkuu xafiiskiisii soo galay anfariir intuu yaabay ku yidhi sheekhii; "Waar sheikh sowdigan kursigaygii iyo xafiiskaygii fadhiistay!” Sheekhiina isagoon is lurin ayaa wuxuu ugu jawaabay hadal muhiimadiisu ay ahayd; " Xasanoow kursi la weeraraa, kursi la weeraro ayuu leeyahay!”
W/Q aqoonyahan Jamaal cali Xuseen