Kulankii Muuse & Salaadiinta Bariga Burco Iyo Hirdanka Wasiirrada Kulmiye Oo Shirka Saameeyey.

0
Sunday December 05, 2021 - 09:01:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Muuse & Salaadiinta Bariga Burco Iyo Hirdanka Wasiirrada Kulmiye Oo Shirka Saameeyey.

    "Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ay ku adkaatay inuu go'aan ka qaato Labada Wasiir"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ay ku adkaatay inuu go'aan ka qaato Labada Wasiir"

Hargaysa (HWN) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Bariga Burco ayaa saaka kulan daqiiqado kooban qaatay ku yeeshay Magaalada Hargeysa.



Kulankan oo ay ka qayb galeen tobaneeyo Salaadiin ah oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Bariga Burco, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen Wasiirrada Xukuumadda ee deegaannadaasi ka soo jeeda, ayaa la sheegay in aanay ka soo bixin wax midho dhal ah oo la taaban karo.


Ma jiro war rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay oo la xidhiidha waxyaabaha kulankan lagaga hadlay, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi u sheegeen Wargeyska Saxansaxo, kulan oo socday muddo kooban oo daqiiqado ah, ayaa la sheegay in Salaadiinta iyo Madaxweynuhu si guud u wada hadleen, iyaga oo aan qodob sii qorsheysnaa oo ay ka wada hadleen aanay jirin.


Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Madaxweyne Muuse Biixi, uu Salaadiinta uga warramay iskaashi iyo wada shaqayntii ay hore u lahaayeen labada dhinac, isaga oo xusay in loo baahan yahay in wada shaqayntaas la soo celiyo, dibna boodhka looga jafo, iyaga oo Salaadiintu u sheegay in wada shaqayntu isaga ku xidhan tahay.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu Salaadiinta ka codsaday in ay u soo bandhigaan waxyaabaha ay ka cabanayaan.


Hadalkaas Madaxweynaha, ayaa waxa ka jawaabay mid ka mid ah Saaladiinta Shirka ka qayb  gashay oo sheegay in aanay ka filayn Madaxweynaha inuu iyaga weydiiyo waxa ay ka cabanayaan, isla markaana haddii aanu ogeyn Madaxweynuhu ay iyagu dib isugu noqon doonaan.


Shirkan, ayaan gebi ahaanba lagaga hadlin qodobo xasaasi ah oo la filayey in lagaga hadli lahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye, cidda Guddoomiyaha ka noqonaysa iyo In Madaxweynuhu sharaxan yahay iyo in kale, iyada oo sababta arrintan looga wada hadli waayeyna loo aanaynayo Wasiirrada ku hirdamaya Guddoomiyenimada Kulmiye oo madasha ka soo qayb galay, kuwaas oo kala ah Maxamed Kaahin Axmed iyo Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi) oo ah Masuul uu Kaahin kula kulmayo loollan adag ee la filaanka ah.


Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ay ku adkaatay inuu go'aan ka qaato Labada Wasiir ee Xukuumaddiisa ka tirsan ee doonaya in ay noqdaan Guddoomiyaha xisbiga Guddoomiye Muuse Biixi dabadii.


Kulankan maanta iyo kii ka horreeyey ee Suldaanka Guud ee Beesha bariga Burco, ayaa la sheegay in ujeeddada ugu weyn ee uu ka lahaa Madaxweynuhu ahayd, sidii ay Salaadiintu ula furdaamin loollanka labada masuul, una calaamadin lahaayeen cidda uu u Kulmiye guddoomiyenimadiisa ku wareejinayo,isaga oo Madaxweynuhu ka cararaya iskana ilaaliya in go'aan dhinaciisa ka yimaada uu halis gelin karo Kulmiye iyo in Labada Masuul midkood bannaanka u bixi karo, taasina ay saameynteeda keeni karto.


Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, ayaa hore ugu sheegay Madaxweynaha in hawsha kala reebista Labada Masuul ay tahay mid isaga u taala madaama oo ay yihiin masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan.


Kulankii  maanta ayaanu Madaxweynuhu arrintan ku soo hadal qaadin, maadama oo ay madasha joogeen Wasiirro xukuumadd ka tirsan oo ka hadalka arrintan saameynayo, isla markaana horseedi kartay khilaaf iyo buuq madash ka bilaabma.


Wargeyska Saxansaxo

Loading...
Loading...