Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Cambaarreeyay Xadhiga Jilaagga Sayidka Barakaysan

0
Saturday December 04, 2021 - 18:17:59 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Cambaarreeyay Xadhiga Jilaagga Sayidka Barakaysan

    Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Cambaarreeyay Xadhiga Jilaagga Sayidka Barakaysan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Cambaarreeyay Xadhiga Jilaagga Sayidka Barakaysan


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay Nin dhalinyaro ah oo Halabuur ah oo Xukuumaddu ay Xabsiga dhigtay, kadib markii uu Ruwaayad uu sameeyay soo bandhigay.
Xildhibaan Maxamed Abiib


Xildhibaan Maxamed Abiib waxa uu cambaareeyay falkaas Xadhiga, waxaannu sheegay in Masuuliyiinta ay khusayso looga yeedhi doono golaha Wakiillada si wax looga waydiiyo arrimahaas,

"Xadhig oo dhan aad baanu u cambaaraynaynaa, waayo shuruucda iyo qawaaniinta dalku waxay u damaanad qaaddeen in shacabku hadli karo, Xadhiguna maaha in qofku uu geeliisa ka soo dhex hadlo ee waa innuu darreenkiisa ku soo bandhigi karo qoraal, Ruwaayad, Gabay iyo wixii la mid ah. Markaa Anigu Xildhibaan ahaan waxaa qabaa in raggaas la xidhay ee uu Sayidku ka mid yahay ay Xukuumadda wax dhan kaga filnaayeen, waayo ummad dhan baa ku xidhnay oo wakhtiga camal la'aanta ah isku dhaafin jirey, markaa kuwii baad isku soo jeeddinaysaa markaad xidh-xidho raggaas jilayaasha ah.

Xoghayaha arrimaha bulshadda iyo Xoghayaha ganacsiga ee Xisbiga WADDANI labadooda Dacwad baa lagu soo oogay, waxaanna Dacwaddii la furay iyagoo bannaanka jooga, markaa aad baan ugu faraxsanahay in dalkeenu halkaas gaadho, maaddaama aanu qofku gelin danbi ee arrintu tahay kiis madani ah, markaa waxaan rajaynayaa in arrinta Sayidkuna ay sidaas noqon doonto.

Golaha Wakiilladu maanta ayuu furmay, waanna loo yeedhi doonnaa Masuuliyiinta ay khusayso Kiiskaasi si aannu wax uga waydiino.

Loading...
Loading...