Maxkamada Cadaalada Aduunka Oo Ka Hadashay Dacwada Badda Ee U Dhaxaysa Soomaaliya Iyo Kenya
Madaxweynaha dhawaan loo doortay maxkamadda caddaalada adduunka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwada la xidhiidha muranka badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha maxkamada ICJ Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo asalkiisu yahay soomaali ayaa ugu horayn la waydiiyey sida ay u saamayn karto dacwada ka dhaxaysa labada dal waxaanu yidhi"Dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka shaqo iskuma lahan, xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyinka yimaada oo idil uu xukun iyo go'aan ka gaaro , marka sidaasi daraadeed dacwad kasta xaakimadda waa ay ka qeybgalaan".ayuu yidhi Cabdiqawi oo u waramay BBCsomali
Wuxuu intaasi ku daray "mana ahan haddii xaakimkan waddankiisu dacwad keeno in uu dacwadaasi isaga ka baxo haddaysan jirin sabab gaar ah sida in uu isaga wax ka soo abaabulay dacwada".
Garsoore Cabdiqawi oo ah qofkii Soomaali ah oo ugu horeeyay oo heerkaas ka gaadhay nidaamka garsoorka adduunka ayaa sidoo kale sheegay in uu jecelyahay in aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu uga faa'iideeyo dalka Soomaaliya, haddii duruufaha u ogolaadaan.
Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka baxay jaamacaddii ummadda ee Soomaaliya, isaga oo noqday 10kii macalin ee ugu horeeyey ee loo tabobaray in ay bareyaal ka noqdaan jaamacadda, si ay u badalaan macalimiin talyaani ah oo jaamacadda dhigayay.
Mar uu ka hadlayay falcelinta ay dadka Soomaaliyeed ka sameeyeen magacaabistiisa xilka ugu sareeya ee maxkamadda adduunka ayuu sheegay in isaga kaliya aysan taas guul u ahayn, balse u tahay magaca Soomaaliyeed oo dhan.