Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday December 04, 2021 - 11:36:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaasha sharafta lahoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow.

Akhristayaal ku soo dhawaada, sheeko kale oo xiisa leh oo ka mid ah; taxanaheennii, Ila qosol.



Berigii kacaankii Oktoobar ka talinayey Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xoogga looga biqi jirey milatarigii meesha qabsaday, ayuu nin kacaandiid ahaa yaryarkiisii ku yidhi, " Ayaan idinka maqlin, Siyaad Barre iyo heesihiisa.!"


Haddaba, maalin maalmaha ka mid oo ay carruurtiisii iskuuladii kala tageen; ayaa subixii hore la qaaday heestii caanka ahayd, " Guulwade Siyaad."


Dabadeedna, mid yar oo carruurttiisii ka mid ahaa oo dardaaran aabbihii gawsdambeedka ku hayey,; ayaa safkii ardaydu taagneyd dhinac uga baxay oo yidhi, " Wallaahi, in aan aabbahay idiin sheegi; in aad Siyaad Barre u naageynayseen!!"


Horaa loo yidhi, " Waxa waayeelku ku haasaawayo, ayuu dhallaanku la shir tagaa!"


Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...