Calaamadaha Guulwadeyaasha

0
Friday December 03, 2021 - 08:18:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calaamadaha Guulwadeyaasha

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Asalka Erayga Guulwade

Guulwadeyaashu waxa ay la kowsadeen kacaankii Maxamed Siyaad Barre, waxaana la aasaasay Sannadkii 1972-kii. Waa ciidan u adeegi jiray Maxamed Siyaad Barre, loona sameeyey amaanta iyo buunbuuninta shakhsiyada Siyaad Barre iyo xaasaskiisa. Kamay tirsanayn ciidanka Booliska, Milatariga iyo dharcada basaasiinta ah. Waxa ay xidhan jireen dhar dooga ah ama akhtara, astaantoodu waxa ay ahayd Ilweyn oo cas, oo dadku ugu yeedhi jireen Ishii shaydaanka.



Fikirka aasaaska Guulwadeyaashu wuxuu ka jiraa dalalkii Shuuciyadu ka jirtay, waxaanu Siyaad Barre ka soo dheegtay macalimiintiisii Shuuciyiinta ahaa. Guulwadeyaashu waxa loogu wanqalay Heestii Guulwade Siyaad, oo aroortii markay soo toosaan waxa ay ku digriyi jireen Heestaasi” Guulwade Siyaad Aabihii garashada geyankayow, hantiwadaagu waa habka barwaaqo noo horseedoo, barbartiyo shaqalaahow is-biirsada, oo ku balanqaad hantiwadaag inaad badbaadiisaan”


Calaamadaha Guulwadeyaasha Lagu Garto

Guulwadaha waxa lagu calaamado dhawr ah, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa kuwa waaweyn:

• Wuxuu amaan aanu mutaysan kula dul-dhacaa cida xilka haysa shakhsiyadiisa, qoyskiisa iyo kuwa ka ag-dhaw. Dhaqankaasi dullinnimada ahi, Waan sida keliya ee uu wax kaga heli karo kuwa xilka haya.


• Waa kaba qaad aan aragti fog lahayn, oo mark kasta u sujuuda qof isaga la siman, balse xil ummadeed haya, waxna ku cabbira hadba xaaladuu ku jiro. Inta badan wuxuu caan ku yahay inuu meelaha fagaarayaasha ah madaxda horboodo una raxleeyo.


• Waa shakhsiyad liidata, oo aan marna ogolayn in la falanqeeyo guulaha iyo guuldarada la soo darista cida uu guulwadaha u yahay, indho la’aana ku taageera.


• Waa biidhi-qaate sida macaan jecesha ugu nool shilimada ay siiyaan kuwa xilka hayaa, ee uu ku guulwadeeyo


• Waa shakhsi bilaa kalsooni ah, oo aan aaminsanyn inuu wixii Alle u qoray aanu sinaba ku dhaafayn, balse aaminsan inuu ku nool yahay is-hoos dhigida iyo liidashannimo.


• Waa shakhsi diintu ku yartahay, Ilaahay ka fogaaday, kuna qanacsan dhaqanka dullinnimada ah ee uu isku hoos dhigida Bila’aadan isaga la siman.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...