Wefti Ka Socda Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Nairobi Kula Kulmay Safiirada Shan Dal Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
Tuesday May 21, 2019 - 16:46:37 in News by
  • Visits: 4603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Nairobi Kula Kulmay Safiirada Shan Dal Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Wefti Ka Socda Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Nairobi Kula Kulmay Safiirada Shan Dal Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ka Socda Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Nairobi Kula Kulmay Safiirada Shan Dal Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen


Wefti sare oo ka socda xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta safaaradaha shan dal oo ka tirsan Midawga Yurub.


Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Denmark ee Nairobi waxa goob joog ahaadiblamaasiyiinta waddamada Denmark, Sweden, Finland, Jarmalka iyo Ingiriiska.

Weftiga Kulmiye & UCID Ee Nairobi Oo 5 Dal La Kulmay


Wargeyska Geeska Afrika oo Sayruuqnews ka soo xigatay warkan waxa uu tibaaxay in masuuliyiinta xisbiyada UCID iyo Kulmiye ugu xog warrameen masuuliyiinta metelayay dalalka ay la kulmeen xaaladda siyaasadda, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland gaar ahaana sida ay u qabsoomi karto doorashada Wakiillada ee dabayaaqada Sanadkan.


Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shalay sheegay in aanay labadaas xisbi lahayn masuuliyadda ay dalalka qaadhaanka bixiya kaligood kagala hadlayaan masiirka doorashooyinka. Cabdiqaadir Jirde oo Waddani u hadlay wuxuu intaasi ku daray in ay beesha caalamka gaadhsiinayaan eedo ka dhan ah Waddani oo ubucdoodu tahay in uu doorashada diiddan yahay.


Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu been u sheegtay safiirka Ingiriiska oo dhawaan yimid. Masuulkan hadda guddoomiyaha u ah dalalka Somaliland taageera ayaa la sheegay in xukuumaddu ku qancisay in ay qiil u hayso doorasho laba xisbi ah oo dalka ka dhacda iyo in lagu heshiiyay in sidii hore lagu galo saami qaybsiga golaha Wakiillada oo muran weyn ka taagna.


Weftiga Kulmiye iyo UCID ayaa kala ah guddoomiye xigeenka koobaad ee Kulmiye ahna wasiirka Daakhiliga Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye xigeenka 2-aad Axmed Cabdi Dheere, Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID iyo musharrax xigeenkiisa Prof Abyan.

Loading...
Loading...