Madaxweynaha Somaliland oo Xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag

0
Wednesday December 01, 2021 - 17:39:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag

    Madaxweynaha Somaliland oo Xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland oo Xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag, waxaanu beddelkiisa u magacaabay guddoomiye Cusub.



Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo lagu faafiyey Wareegtada uu soo saaray madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Md Muuse Biixi xilkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag Maxamed Cilmi Xuseen.

"Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtada uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Sanaag.

Sida ku xusan wareegtada madaxweynaha, Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xilka guddoomiyaha Gobolka Sanaag u magacaabay Axmed Cabdi Muuse Warsame in maanta laga bilaabo uu ahaado Badhasaabka Gobolka Sanaag.

Loading...
Loading...