Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre oo Dhaariyay Xubin Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka ka tirsan

0
Wednesday December 01, 2021 - 16:25:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre oo Dhaariyay Xubin Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka ka tirsan

    Mudane Cali Baashe Maxamed ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Cali Baashe Maxamed ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda oo dhaariyay Xubin Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka JSL ka tirsan.


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/12/2021-ka, dhaariyay mudane Cali Baashe Maxamed, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya xubnaha Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland.



Mudane Cali Baashe Maxamed ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay Guddida Dacwadaha Cashuuraha, taasi oo uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyay, guddoomiyaha Guddida Dacwadaha Cashuuruhu, codsi ku saabsan buuxinta jagadaasi, si waafaqsan qodobka 215 ee Xeerka Dakhliga Cashuuraha Bariga Xlr. 72/2016.


Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Loading...
Loading...