Wararkii Ugu Dambeeyay Boosaaso Iyo Dadaallo Socda

0
Wednesday December 01, 2021 - 16:14:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Boosaaso Iyo Dadaallo Socda

    Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee dowlad goboleedka Puntland ay wadaan dedaallo ay ugu kala dabqaadayaan ciidammada dowladda iyo ciidammada la dagaallama argagixisada ee PSF loo soo gaabiyo.


Xaaladda magaalada ayaa deggan hasayeeshee waxaa maalmihii la soo dhaafay magaaladaasi ku qulqulayay ciidammo badan oo ka tirsan Puntland, walow intooda badan la dajiyay bannaanka magaaladaasi.



Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin inay si nabad ah ku soo dhammeeyaan khilaafka taagan, waxaanay carabka ku adkeeyeen in aanay aqbali doonin in magaalada lagu dagaallamo.


Khilaafka ayaa ka dhashay markii madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu 24-kii bishii hore soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

Loading...
Loading...