Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga oo kormeer hawleed ku tegay Gobolka Sanaag.

0
Wednesday December 01, 2021 - 09:30:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga oo kormeer hawleed ku tegay Gobolka Sanaag.

    Md. Siciid Sulub Maxamed Wasiirka Wasaaradda xanaannada Xoolaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Md. Siciid Sulub Maxamed Wasiirka Wasaaradda xanaannada Xoolaha


Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo ka socda Wasaaraddaasi, ayaa booqasho hawleed ku tegay gobolka Sanaag, halkaasoo maalintii maanta lagu soo dhaweeyey degmooyinka ceel-afweyn, Ceerigaabo iyo deegaamada hoos-yimaada.


Weftiga Wasiirka waxa duleedka magaalada Ceerigaabo ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Sanaag,ka degmada, masuuliyiinta xafiisyada laamaha dawladda ee heer gobol iyo taliyaha qaybta booliska.



Md. Siciid Sulub Maxamed Wasiirka Wasaaradda xanaannada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga oo soo dhaweynta kaddib socdaalkiisa gobolkaasi faahfaahin ka bixiyey, ayaa sheegay inuu kormeer shaqo oo la xidhiidha hawlaha wasaaradda uu u socdo, isla markaana ay indho-indhayn ku samayn doonaan xaaladdaha dhinaca Kalluumaysiga iyo xoollaha.


Wasiir Sulub, waxa uu tilmaamay inay si weyn u soo jiidatay xasiloonida iyo degenaanshiyaha nabad-gelyo ee ka hirgalay deegaamada gobolka ee ay hore colaaduhu u saameeyeen, isagoo tusaalle u soo qaatay degmada Ceel-afweyn.


"waxaan u socday kormeer hawleed oo ku saabsan shaqada wasaaradda. xanaannada Xoollaha hadday noqoto iyo xagga kalluunka hadday noqoto. xagga Kalluunka iyo dekedda wixii aanu ka qaban karno ayaanu ka qabanaynaa”ayuu yidhi Wasiirka oo intaasi ku daray "waxaan aad ugu farxay saaka reer Ceel-afweyn oo iyadoo aan belaayo ku dhex jirin markii ugu horaysay na soo dhaweeyey, horumar ka hadlaya, ka hadlaya dantooda waa arrin lagu farxo”


Siciid Sulub Maxamed waxa uu intaa raaciyey inay xukuumaddu tacab badan gelisay xasilinta nabad-gelyada gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaamada Ceel-afweyn "waa guul la gaadhay nabad-gelyada ceel-afweyn oo ay Xukuumadda maanta jirtaa sabab u tahay”


Deegaamada Gobolka Sanaag, ayaa isugu jira xoolo-dhaqato, beeralay iyo waliba dhul-xeebeed laga kalluumaysto.

Loading...
Loading...