Xukuumadda Somaliland oo Amarro Adag Dul Dhigtay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland.

0
Wednesday December 01, 2021 - 08:49:31 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Amarro Adag Dul Dhigtay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland.

    Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradaas isgaadhsiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradaas isgaadhsiinta



Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tegnoolajiyada Somaliland ayaa wareegto ka soo saartay fariimaha shirkadaha isgaadhsiintu u gudbiyaan bulashada adeegyadooda isticmaasha.



Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradaas isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyadaDr. Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa lagu sheegay in talaabo laga qaadi doono shirkadda amaradaas u hogaansami wayda.


"Wareegto wasiir oo nidaaminaysa fariimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, oo hirgeli doonta Manta 1/1/2022 kana kooban qodobadan soo soda.


1 In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda adeegyada isgaadhsiineed ee ay iagu bixinayaan oo kali ah.


2 In fariimaha isgaadhsiineed ee xanbaarsan xayaysiisyada, ogaysiisyada ay shirkadaha isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaanshiyo laga helayo macmiilka.


3 In fariin kasta oo uu macmiilku helayo isla markaana xanbaarsan xaysiis, ogeysiis cid kale leedahay lahaato qayb awood u siinaysa macmiilka in uu iska xidhi karo, joojin karo.


4 In laga qaado shirkadda jabisa wareegtadan ganaaxyada uu qeexayo qodobka 73-aad ee xeerka boosha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xeer.Lr.50/2020.”

Loading...
Loading...