Ra'iisal Wasare Hore Oo Loo Haysto Dilka Xaaskiisa

0
Wednesday December 01, 2021 - 07:27:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasare Hore Oo Loo Haysto Dilka Xaaskiisa

    "Waxay is guursadeen laba bilood kaddib markii ay dhimatay xaaskiisii hore ee Lipolelo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay is guursadeen laba bilood kaddib markii ay dhimatay xaaskiisii hore ee Lipolelo"

Ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Lesotho, Thomas Thabane, ayaa lagu soo oogay dambi ah inuu sanadkii 2017-kii dilay xaaskiisa, Lipolelo Thabane.



Xaaska uu haatan qabo ee Maesaiah, waxaa iyaduna sanadkii tegay lagu soo oogay dambi kaasi lamid ah.

Waxay la noolayd Mr Thabane xiligii uu dilka dhacayay, waxaana lagu eedeeyay inay u adeegsadeen niman dadka khaarajiya.


Labadooduba way iska fogeeyeen eedeymahaasi.

Mr Thabane wuxuu xilka ka degay bishii May ee sanadkii 2020-kii, kaddib cadaadis saarnaa muddo dhowr bilood ah, kaas oo ka dhashay markii la shaciyay in looga shakisanyahay dilka xaaskiisa.


Kiiska ayaa argagax geliyay dad badan, waxayna sababtay in muran siyaasadeed uu ka dhasho dalkan yar ee ay gebi ahaanba hareereysantahay Koonfur Africa.


Maesaiah Thabane ayaa maxkamadda ku wehlineysay ra'iisal wasaarihii hore oo 82 sano hir ah. Waxaa dacwad lagu soo oogay sanadkii hore, iyadoo markii dambe lagu siidaayay damaanad lacageed.


Eedeymaha loo haysto ayaa waxaa laga hor aqriyay qolka ay ku shiraan guddiga garsoorka ee maxkamad sare oo ku taalla magaalada Maseru, ee caasimadda dalkaasi, halkii ay ahayd in laga hor jeediyo qolka maxkamadda, taas oo ah wax iska caadi ah sida uu ku soo warrantay wakaaladda wararka ee EFP.


Rag hubeysan ayaa 14-kii bishii June ee sanadkii 2017-kii toogtay oo dilay Lipolelo Thabane, laba maalmood kahor inta aan xilka ra'iisal wasaarenimo loo dhaarin Mr Thabane


Xaaskii hore ee hogaamiyaha Lesotho ayaa la weerar lagu soo qaaday kaddibna la dilay xilli ay kusii jeeday gurigeeda. 58 sano jir ayayna ahayd.


Xilliga la dilay, Lipolelo waxaa uu khilaaf ku saabsan furriin kala Mr Thabane, waxayna iyada iyo ninkeeda ay kala meel ku noolayeen tan iyo sanadkii 2012-kii.


Wuxuuna xaska labaad ee Maesaiah isla noolaayeen intii u dhaxeysay sanadkii 2012-kii iyo 2017-kii.

Waxay is guursadeen laba bilood kaddib markii ay dhimatay xaaskiisii hore ee Lipolelo

 

BBC

Loading...
Loading...