Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la kulmaya madaxda Qatar

0
Tuesday November 30, 2021 - 11:48:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la kulmaya madaxda Qatar

    labada mas'uul ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

labada mas'uul ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka



Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Qatar ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Amiirka dalkaasi Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.


 

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.



 

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Qatar uga qeyb geli doona furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta.


 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda ku sugan dalka Qatar.

Loading...
Loading...