Gacalkaaga Agtiisiyo, Gurigaaga Ma Taalo, Galadaad Sugaysaaye, God Mas Bay Ku Jirtaa.

0
Tuesday November 30, 2021 - 09:00:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacalkaaga Agtiisiyo, Gurigaaga Ma Taalo, Galadaad Sugaysaaye, God Mas Bay Ku Jirtaa.

    W/Q: Ismail abdilahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail abdilahi Handuleh

Gacalkaaga agtiisiyo,Gurigaaga ma taal,Galadaad sugaysaa,

God mas bay ku jirta,Aflibaax gudahiisa,Ninkiyaan gabanayn,

Godobti ma iloobe,Geesiga u badhedho,Halkedawgu gelaaya,

Guud ahaan boqorki,Geeskan reer afrika,Goolki wuu dhaliyey,

Guuli maanta ma seegin,Gartiisina cadee,Garawshinyo la siiyo,

Gogolba loo fidiyey,Weliba lays garabtagay,Aadna loogu garabo,

Geesta koonfur galbeed,Gondasay tirsanaysu,Gacantii mariyey,

Geedigiisii ma dhamaane,Gondharbu u socda,Intu gaadhi karayo,

Waa in lays garab taago,Guud ahaan dhaqankenu,Wajibkoda gutan,

                         Ismail abdilahi Handuleh.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...