Ra'iisul Wasaare Rooble oo faray Guddiyada Doorashooyinka in ay ilaaliyaan hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada

0
Tuesday November 30, 2021 - 09:00:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo faray Guddiyada Doorashooyinka in ay ilaaliyaan hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amray guddiyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amray guddiyada



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hab fogaan arag ah kula kulmay Guddiyada Doorashooyinka ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, Koonfur galbeed iyo Soomaaliland.



Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka, si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay.


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amray guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanida iyo daah-furnaanta doorshada, isaga oo faray in ay u hoggaan samaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.


"Ma aqbalayo Guddiyo isbarbar socdo oo u arka in ay matalaan Dowlad-goboleed. Ogsoonaada waxaad ku magacaaban tihiin waa wareegto Ra’iisul Wasaare sidaas darteed waa in aad dhexdhexaad u noqotaan dhammaan musharaxiinta xaqa u leh in ay u tartamaan kuraasta Xildhibaannimada Golaha Shacabka.”


Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka codasanayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.

Loading...
Loading...