Farriinta Cagjar Iyo Filashada Soomaalilaan

0
Monday November 29, 2021 - 15:59:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriinta Cagjar Iyo Filashada Soomaalilaan

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo farriin qaylo-dhaan wadata ka sida Raysal wasaare Abiya ayaa dhawaan soo gaadhay Soomaalilaan. Taariikhuhu meelo badan ayey iska shabbahaan. Wax yar ka dib markii uu Mingistu Jabuuti kula heshiiyey Maxamed Siyaad horraantii sannadkii 1988, wuxuu u baahday ciidamadiisii joogay gobolka Hararge ee bariga Itoobiya.



Waxaanu ciidamadan geeyey waqooyiga Itoobiya ama gobolka Tigree oo ay kula dagaalamaysay jabhadan TPLF. Baahidaa haysay awgeed deg deg ayuu Siyaad Barre heshiiska ula saxeexday. Tabtaasi oo kale ayuu Raysal wasaare Abiya maanta ugu baahan yahay ciidamada Itoobiya ee ku sugab bariga Itoobiya. Dhawr qoddob ayaa lagu fasiray farriinta qaylo-dhaanta wadata ee uu Cagjar Hargaysa soo gaadhsiiyey:


= Cagjar wuxuu sidaa farriin Raysal wasaare Abiya ku raalligelinayo Soomaalilaan, maadaamaa oo uu hore toos ula saftay Farmaajo oo ay is-hayaan Soomaalilaan.  Raalligelintaasi maaha mid isaga toos uga soo go’day, balse waxa ku khasbay wakhtiga iyo dhiiqada uu cagaha kula jiro (Dagaalka Tigree).


= In ciidamada jooga bariga Itoobiya u Abiya u raro dagaalka, ka dibna ay Soomaalilaan masuul ka noqoto ilaalinta xuduudaha ilaa gudaha Itoobiya haddii loo baahdo, ileyn ciidan kama joogaane.


= In Itoobiya ay isticmaasho dekeda Berbera iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Berbera maadaama oo ay qirinqiir gashay marinka keliya ee Itoobiya ku nooshahay ee uga yimaada Jabuuti. Markaana canshuurta laga jebiya ama deyn ahaan ay wax ugala soo degi karaan, maadaama oo wakhtigan ay Itoobiya la daalaadhacayso dhaqaalo xumo uu dagaalka daba-dheeraaday ku keenay.


= In ay Soomaalilaan kala shaqayso ciidan beeleedyo ay Itoobiya doonayso inay ka qorto deegaannada ay maamusho oo deegaanno badani ay hayb-wadaag la leeyihiin Soomaalilaan. In badan waxa dhici jirtay marka ciidamo laga qorayo Kililka ay dhallinyaro badan oo deegaannada Itoobiya ka soo jeedaa sidoo kalena Soomaalilaan dhalasho la wadaagaa ay ka soo carari jireen si ay uga dhuuntaan raafka ciidan qorista.


Arrimo noocaasi ah ayaa aad loogu badaniyaa inuu salka ku hayo socdaalka madaxweyne Cagjar iyo weftigiisu.

 Inta badan waxa warbaahinta lala yimaadaa maaha waxyaabaha dhabta ah ee ay labada dhinac isla meel dhigeen.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...