Kenya Oo Qaadday Tallaabo Ka Dhan Ah Xawaaladaha Soomaalida

0
Tuesday May 21, 2019 - 16:06:02 in News by
  • Visits: 3300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Qaadday Tallaabo Ka Dhan Ah Xawaaladaha Soomaalida

    Kenya Oo Qaadday Tallaabo Ka Dhan Ah Xawaaladaha Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Qaadday Tallaabo Ka Dhan Ah Xawaaladaha Soomaalida


Dawladda Kenya ayaa la sheegaya in ay xidhayso xawaaladaha Soomaalida ee dalkeeda marka laga reebo xawaaladda Dahabshiil. Inkasta oo ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan in ay jiraan xawaalado albaabada loo laabay haddana ma cadda in ay jiraan xawaalado la xidhay iyo in kale.




Yaasiin Cabdi Axmed oo ka mid ah xawaaladda Amal ayaa BBC-da u sheegay in dawladda Kenya saaka timid xawaaladdooda Nairobi kadibna waydiiyeen shuruucda ay ku shaqeeyaan ilaa haddana ay baadhitaan ka wadaan xarunta xawaaladda laakiin, wuxuu sheegay in aan la xidhin oo xawaaladdu shaqaynayso.


Waxa uu sheegay in aanay garanayn waxa ka soo bixi doono baadhista dawladda Kenya ku bilawday waxaana jira warar ku saabsan in uu yahay go’aan siyaasadeed oo Kenya culays ku saarayso Soomaaliya.


Wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale oo magaalada Nairobi kaga qayb gali lahaa shir ayaa loo diiday dal ku galka Diblamaasiga ah ee madaarka laga qaato waxaanay saaka dib ugu soo laabteen Muqdisho.


Tallaabooyinkan ayaa lala xidhiidhinaya muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka Badda gaar ahaana arrimaha shidaalka la xidhiidha ee Soomaaliya ku hawlan tahay.


Loading...
Loading...