Cali Guray Oo Ka Hadlay Warka Sheegaya In SLAND Itoobiya Ku Barbar Taagan Tahay Degaalka TPLF

0
Monday November 29, 2021 - 09:24:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Ka Hadlay Warka Sheegaya In SLAND Itoobiya Ku Barbar Taagan Tahay Degaalka TPLF

    "Hadii uu rumoobo dabcan mawqifkii Somaliland wax baa iska bedelay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadii uu rumoobo dabcan mawqifkii Somaliland wax baa iska bedelay"

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay wararka sheegaya in xukuumada Somaliland ay taageertay Dawlada Itoobiya ee Dagaalka kula jirta TPLF, warkaasi oo ay baahisay warbaahin laga leeyahay Itoobiya.

Siyaasiga ayaa qoraal uu bahiyay oo arikaasi kaga hadlayo ku yidhi sidan:-



HA LA ISKA HUBSADO

Ku lahaa Idaacadda Abye Ahmed Somaliland waxay dawladda Itoobiya ku barbar taagan tahay degaalka ay kula jirto TPLF. Horena xukuumadda Somaliland waxay u cadaysay in maqifka Somaliland uu yahay in WADAHADAL lagu dhameeyo dagaalka ka socda gudaha Itoobiya, kaas oo ah mawqifka la isku raacsan yahay dhinaca Bulshada Caalamka marka laga reebo Madaxwaynaha Calatariya Afwarqe oo isagu aan dhex ahayn eh toos ula safan Abye Ahmed ciidamadiisuna ay ka barbar dagaalamayaan kuwa Itoobiya.


Markaa warkan idaacadda Itoobiya ay werisay sidiisa looma qaadan karo weliba mana aha suurogal waayo runta ayuu ka fog yahay, in kasta oo dhinaca Somaliland aan ilaa hadda wax war ah oo la xidhiidha booqashadii Madaxwaynaha DDSdu ka soo bixin. Hadii uu rumoobo dabcan mawqifkii Somaliland wax baa iska bedelay in kasta oo aan Dawladda Somaliland hore loogu aqoonin farogelinta arimaha gudaha ee Itoobiya” Siyaasi Cali Guray

Loading...
Loading...