Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Wefdi Ka Socday Jarmalka

0
Monday November 29, 2021 - 08:55:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Wefdi Ka Socday Jarmalka

    Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef....


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka.


Kuwaas oo ay ay wehelinayeen Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Horumarinta Iskaashiga, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.



Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyo la dagaallanka burcad badeedda.

Loading...
Loading...