Wasaaradda Shaqo Galinta Oo Culimadda Waawayn Ee Dalku Saaka Shaqaalaheed Wacdi u Jeediyeen.

0
Tuesday May 21, 2019 - 15:59:57 in News by
  • Visits: 1724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Shaqo Galinta Oo Culimadda Waawayn Ee Dalku Saaka Shaqaalaheed Wacdi u Jeediyeen.

    Wasaaradda Shaqo Galinta Oo Culimadda Waawayn Ee Dalku Saaka Shaqaalaheed Wacdi u Jeediyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Shaqo Galinta Oo Culimadda Waawayn Ee Dalku Saaka Shaqaalaheed Wacdi u Jeediyeen.


Hargaysa(HWN)Wasiirka wasaaradda shaqo galinta Iyo Arimaha Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa maanta Kulan Soo Dhawayn Ah Xafiiskeeda Ugu Samaysay Qaybo Ka mid Ah Culimo Aw Diinta Jamuuriyadda Somaliland,waxaana kulankani ka qabsoomay Hoolka Wasaaradda.

 


 

Culimadda ay wasiiradu kulanka la qaadatay ayaa waxa hogaaminayay Sheekh Axmed Dalmar Iyo Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore Iyo Culimo Kale oo Tiro Badan.


Kulankaas oo ahaa mid Sanadle ah oo sanad walba bisha Barakaysan ee Ramadaan Culimadani wacdi Diini ah ugu Sameeyaan Shaqaale weynaha Dawladda, kaas oo maanta Marti ugu ahaayeen Wasaarada shaqo-gelinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska.


Waxa ugu horeyn kulankaa kheyriga ah Furtay Wasiirka Wasaarada Shaqo-gelinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani waxaanay uguu horeyn Alle SWT uga Mahadnaqday kulanka uu iskugu keenay Maanta oo ah maalin barakaysan lagu jiro bil Ramadaan haboon tahayna in looga faa’ideysto fursada bisha barakaysan inta Alle soo gaadhsiiyey waayo waxa jira dad badan oo sanadkii hore iyo kuwii ka horeyeyba inala Sooamayey lakiin se maanta aan nasiib u helin Allena oofsadey iyo dad aan caafimaad ahaan tahli karaynin inay inala Soomaan Maanta.


Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Wasaarada Diinta iyo Aw Qaafta iyo Wasaarada Shaqogelinta ee ay wasiirka ka tahay ay wada shaqayn dhaw wada leeyihiin.


dhinac walba yihiina laba wasaaradood oo aad isugu baahan bulshadana kaalin weyn kaga jira wada shaqayntooduna bulshada wax wey u tarayso. iyadoo culimada ku guubaabisay inay joogto ka dhigaan kulamada noocan ah ee khayriga ah. Wakhtina u sameeyaan kulamada noocan oo kale ah.


Waxa halkaas wacdi iyo waano diini ah kasoo jeediyey Sheekh Axmed oo ka Socday Culimada wasaarada Diinta iyo Awqaafta isagoo tilmaamay in bishani tahay bishii lasoo dejiyey Quraanka Kariimka ah lana badiyo akhriskiisa tahayna mid lagu waajibiyey dhamaan umadihii inaga horeeyey siduu Alle SWT inoogu Sheegay Quraanka Kariimka.


Waa bil uu ku jiro Habeen ka khayr badan kun bilood oo u dhiganta 83 sano iyo 4 bilood waajibna tahay inaynu ka faa’ideysano isagoo dhamaan shaqaalahe waynaha wasaarada kula dardaarmay inay weyneeyaan badiyaan akhrinta quranka bisha barakaysan ee Ramadaan. Ugu danbayntiina waxa wacdiga ka daba maray sheikh Yuusuf Cabdi Xoore Oo ku dheeraday fa’daa isha ay bishani leedahay iyo inay haboontahay ka faa’ideysaygeeda Waxaanu sheekhu tilmaamay in dhamaan dadku is cafiyo si aynu u helno ajarka bishan oo dhamays tiran.


Gebogebadii waxa wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada iyo Qoysku Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ka Gudoontay Culimadii ka socday wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Kitaabo ay ugu talo galeen shaqaalaha wasaarada SHAB&Q. Iyadoo kelmado Dardaaran iyo dhiiri gelin ahna u jeedisay shaqaalihii wasaarada oo ku dhamaa Madashaa,Waxayna uga Mahad celisay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo dhamaan Culimada wasaarada sida fiican ee ay iskugu soo xil qaameen inay wanaaga soo gaadhsiiyaan wasaaradeeda. Iyadoo Goobtaas kagala Wareegtay kutubtii looguna qaybiyey shaqalihii wasaarda


 
 
 

Loading...
Loading...