Madaxweynihii Hore Ee Puntland Cabdi Wali Gaas Oo Kahadlay Xaalada Boosaaso

0
Monday November 29, 2021 - 08:34:46 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Puntland Cabdi Wali Gaas Oo Kahadlay Xaalada Boosaaso

    "Arrinta Boosaaso ka jirta waxa aan rajeynayaa in ay nidaam ku dhammaato

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arrinta Boosaaso ka jirta waxa aan rajeynayaa in ay nidaam ku dhammaato


Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ahna Madaxweynihii Hore ee Puntland ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ee ka dhalatay Xil ka qaadista Agaasimaha Ciidanka PSF.


Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee DG Puntland ayaa tilmaamay in mar ay soo martay is qabqabsi lamid ah kan ka dhex aloosan Hoggaanka PSF & Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.



"Arrinta Boosaaso ka jirta waxa aan rajeynayaa in ay nidaam ku dhammaato, Puntland marweliba uu qalalaase ka bilawdo xal baa loo helaa, aniga waqtigeygii waxyaabaha nuucaas way soo mareen waxaana lagu dhammeyn jiray nabadgalyo, koley dad iiga fara dhuudhuuban ayaa gacanta ku haya” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.


Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in xil ka qaadista uu ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano balse Unugta gaarka u tababaran ee PSF ayaa si cad uga hor timid xil ka qaadistaas.

Loading...
Loading...