Wax Ka Ogoow Nooca Eygan Hargaysa Lagu Jiidhay.

0
Monday November 29, 2021 - 08:33:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Ogoow Nooca Eygan Hargaysa Lagu Jiidhay.

    W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Eygan waxaa looyiqaanaa (Rottweiler dog) waxa uu kamid yahay kudhawaad 20 jaad oo Ey ah, kuwaas oo asal ahaan ka soo jeeda dhulweynaha dawlada federaalka ee jarmalka, eygani waxa uu faraciisii hore kasoo jeedaa laba Ey oo la isku talaalay kuwaas oo kala ah nooca looyiqaano (Shepherd dogs) oo kunool wadanka jarmalka iyo Ey ay lahaan jireen ciidamadii roomaanka ee hore (Roman legions), inkasta oo uu markii danbe ku faafay wadamo badan oo yurub kamid ah iyo dalka mareekanka. Waxaa loogu magac daray tuulo ku taala koonfur galbeed dalka jarmalka taas oo looyiqaanno (Rottweil). Cimrigiisu waxa uu gaadha 8 ilaa 10 sano, dhererkiisuna 61 ilaa 69 sentimitir, halka uu culayskiisuna gaadho 48 ilaa 60 kiiloo garaam.



Eygani waxa kamid yahay eyda waa weyn qaab ahaan kuwaas oo aan lahayn dhogor badan, sidoo kale waa ey aad u xoog badan, kaas oo leh garaad aad u sareeya. Badanaa wuxuu ku fiican yahay in yaraanta lagu tababaro, inkastoo uu yahay mid saaxiibnimada aad u jecel oo aanu dadka ilaawin macal haddii ay wakhti dheer kasoo wareegto. Eygani waxa uu caan ku yahay lugiihasa gaagaaban iyo midabkiisa oo uu badanaa ku jiro madawgu, Saacadii waxa uu  jari karaa Eygani 40 kiiloo mitir. maadaama oo aynu nahay bulsho islaam ah waxaynu ognahay inaanay diinta islaamku ogalayn in Ey guriga la iskaga haysto sabab la'aan, waxaana laga soo weriyay nebiga (Scw) inuu yidhi qofka guriga ku xanaanaysta Ey sabab la'aan maalin kasta ajarkiisii waxa laga jaraa qayb weyn oo kamid ah.


Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...