Somaliland iyo Ethiopia oo iska kaashanaaya Xakamaynta Dagaal Ganacsi oo saamayntiisa la dareemay

0
Sunday November 28, 2021 - 19:54:03 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Ethiopia oo iska kaashanaaya Xakamaynta Dagaal Ganacsi oo saamayntiisa la dareemay

    Somaliland iyo Ethiopia oo iska kaashanaaya Xakamaynta Dagaal Ganacsi oo saamayntiisa la dareemay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Ethiopia oo iska kaashanaaya Xakamaynta Dagaal Ganacsi oo saamayntiisa la dareemay


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cagjar.



Kulanka Madaxweynaha oo Saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu dhammaaday arrimaha lagaga wada-hadlay faahfaahin ka bixiyey Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdiraxmaan Iid Daahir.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in kulanka labada dhinac daarran yahay sii xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Dowlad deegaanka Soomaalida oo ka wakiil ah Dowladda Federaalka Ethiopia, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha Ammaanka iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Hawlaha Guud ee DDSI ayaa isagu dhankiisa xusay in qodobbada ku saabsan xidhiidhka dhaqaalaha labada waddan ee laga wada-hadlay ka mid yihiin sidii looga hortagi lahaa wax uu ku tilmaamay dagaal dhaqaale oo lagu hayo Lacagta Birta ah ee Ethiopia oo uu sheegay in dad aanu xusin cidda ay yihiin ka shaqaynayaan Qiima-dhaceeda oo bilihii u dambeeyey laga dareemay dalka Ethiopia iyo Dhinaca Somaliland-ba.

Loading...
Loading...