Marwo Sucaad Carmiye oo Sheegtay Inay Abaal Wayn U Hayso Xisbiga WADDANI

0
Sunday November 28, 2021 - 12:00:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Sucaad Carmiye oo Sheegtay Inay Abaal Wayn U Hayso Xisbiga WADDANI

    Marwo Sucaad Carmiye oo Sheegtay Inay Abaal Wayn U Hayso Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwo Sucaad Carmiye oo Sheegtay Inay Abaal Wayn U Hayso Xisbiga WADDANI



Hargeisa(HWN):-Siyaasi Marwo Sucaad Carmiye Odowaa oo ka mida Siyaasiinta Xisbiga WADDANI ayaa sheegtay in Haweenka Xisbigaas looga baahan yahay deddaal dheer iyo abaabul xooggan oo ay ku hantaan quluubta Shacabka Somaliland.
Waraysiga Aqoonyahanka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliye, Aqoonyahan Sucaad Carmiye. - YouTube


Marwo Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay sheegay inay Xisbiyadda ku cusub tahay, isla markaanna ay abaal wayn u hayso Xisbiga WADDANI.

"Xisbiyadda waan ku cusubahay oo barbarad baan ahay, Xisbiga WADDANI-na abaal wayn ayuu igu leeyahay, waxaanan u taaganahay inaan abaalkaas celiyo. Haweenkuna kaalin mug leh ayay kaga jiraan Xisbiga WADDANI. Waxaan ogahay in dhalinyaradda reer Somaliland ay maanta u heelan tahay Xisbiga WADDANI, waxaannad ka garanaysaa Codadkii badnaa ee ay helleen Maayir Cabdikarriim iyo Xildhibaan Barkhad Batuun.

Loading...
Loading...