"Waxaan Qirayaa In Cabdiraxmaan Cirro uu Nin Qaran Yahay" Siyaasi Cali Guray

0
Sunday November 28, 2021 - 11:21:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Qirayaa In Cabdiraxmaan Cirro uu Nin Qaran Yahay" Siyaasi Cali Guray

    "Waxaan Qirayaa In Cabdiraxmaan Cirro uu Nin Qaran Yahay" Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Qirayaa In Cabdiraxmaan Cirro uu Nin Qaran Yahay" Siyaasi Cali Guray



Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka ka marag-kacay qoraal uu siyaasiga jamaal Cali Xuseen ku sheegay in Siyaasaddii Somaliland uu badalay Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Cali Guray oo Hees Digasho iyo Hogo-tusaaleyn Xambaarsan kaga dareen-celiyey Xukunka lagu Riday Haatuf iyo Masuuliyiintiisa | Somaliland Post


Siyaasiga Cali Guray waxa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cirro yahay Nin qaran oo wax quudhi kara, isla markaanna go'aan adag qaatay, kaasoo uu sheegay inuu is badal wayn ku sameeyay Siyaasaddii Somaliland.

"MARAG BAAN KA AHAY WELIBA.! Sida loo badan yahay qofku marka uu jacaylkiisa ama nacaybkiisa wax ku qiimaynayo wuxu doono ayuu odhan karaa sida isagu uu jecel yahay oo inta badan runta ka fog ayaa caado u ah oo lagu yaqaan. Laakiin qofka waxgaradka ah xogogaalna u ah arinka uu ka hadlayo halkeeda ayuu dhigaa waayo kama aha cid u hiili cidna ka hiili.

Raggu waa sadex oo waa nin qaran nin qabiil iyo nin qoys. Anigu Cabdiraxmaan Cirro waxan qirayaa in uu yahay nin qaran. Hadii aanu sidaa ahayn kamay suurtogasheen arimaha ka suurogalay. Hadii uu nin qabiil ama nin qoys yahay isaga oo aan halkii uu ku socday gaadhin may dhacdeen in Xilka Gudoomiyaha Xisbigiisa uu wareejiyo, isaga oo tolkii iyo intii ugu xigtay laga yaabo in aanay ku raacsanayn. Hadii uu nin qabiil ama qoys ahaan lahaa may dhacdeen in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu maanta Guddoomiyaha WADDANI ahaado.


Loading...
Loading...