Maxamuud Xaashi Iyo Askariga Wadda Hadal Uma socdo ( Abdi-Shotaly).
Nin reer Boorame ah oo aan weliggii been sheegin, ku jira xaal in la dilo ku dhaw, oo uu naf-tiisa ku waayo, baa lagu yidhi Xaaji maanta waxa keliya oo aynu ku badbaadi karnaa inaka oo been sheegna, oo nidhaaha reer Awdal ma nihin, ka dib-na way u cuntami waday, in uu ka been sheego halkii uu ka yimi, waxana uu ku jawaabay " Maxay beeni tari booramaan ka imiye" Waxan u soo nqaatay murtidan dad isku maaweeliya khiyaali, ujeeda-dooduna ay tahay in ay ummaddan soo jeedda ku majaro habaabi-yaan, iyaka oo dan gaar ah ka leh, wax xaqiiq-dda ka fog, oo aan sal iyo raad mid-na lahayn ku garab taagan askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Calaa-haakadda weliba, malaha waxay is leeyihiin wax baad u taraysaan, laakiin-se ma oga in ay uga sii darayaan, oo cidla u sii faquuqa-yaan, waxay soo dhigaan war-baahinta sheekooyin ah " Ciyi waa ka beryey" Iyo wax ka sii liita oo qof aan fahmayni aanu ku jirin ummadda reer Somaliland meel ay joog-toba, kuwa noocaas ah waxan leeyahay, beenta aad is leedihiin dadka ku khaldda, ee aad tidhaaheen Wadda hadal baa u socdda Maxamuud Xaashi iyo Raggii ma adigaa ka hadhay" Haba-yaraatee waa ina wax kama jiraan, wax dhici karana maaha, cid aad ku hodi kartaana ma jirto, ee ummad yahay bal ila akhriya intan hoose, oo si cad idiinku sheegaysa sidda ay u fekerayso maskaadda ku jirtaa dad-kaas.
Akhristaw qaar runta ka fog, oo aan aduuunka waxa ka dhacaaya la socon, waa kuwa leh Maxamuud Xaashi iyo Askariga ku jira guriggii Moorgan ee loo yaqaano " Xaafad-Tooyadda" miyaanay ogayn mise way iska indha tirayaan halka xaal maraayo? Maxamuud Xaashi mudo afar sano iyo dheeraad ah ( Laga soo bilaabo 13kii Noofambar 2017kii) in uu debedda ka ahaa Xusbiga keliggii taliyaha uu jeebka ku sito, kaas oo cid ku wehelisaa aanay jirin hadal iska baa iska badane. Ragga imika la leeyahay way is xil-qaameen, oo dhex-dhexaadin bay ka dhex wadaan " Maxamuud Xaashi iyo Raggii ma adigaa ka hadhay" Xagay ku maqnaayeen wakhti-gaas dheer, ee ay hadad la soo hambaa-bireen? Haday rajo ka qabaan, maxay u soo dhex deli waayeen wakhti hgoire, intii aanay xaajadu sii qudhmin? Ee ay wadda hadal ugu furi waayeen, Ma maanta meel uu ka soo noqdo buu joogaa Maxamuud Xashi? Waxan leeyahay kuwaas beenta soo falkinaaya, tareenkii waan-waantu iyo isku soo dhawyntu wuu idinka tegay, meel aad saaka wax ka qaba-taana ma ay jirto. ee dadka beenta ka daaya aan idinka soconayn. waxa aad ka sheekayna-saan ba'iina, masakxdda cayn-kaas ah ee aad is leedihiin, ummadda kaga bedela aragti-doodda waad ku saaqideen, Maxamuud Xaashi-na mid imika u soo socdda ama ka suurto gasho isku soo noqosho, ay dib isugu yimaadaan askariga waa habeenkii xalay ahaa ee tegay, ee wax kale ma haysaan oo aan intaas ahayn?
Somalidu waxay ku maah-maah-daa " Nimaan kuu tudhin, adna haw tudhin" Waa sidaase ma jirto marxalad uu wanaag haatan ku dhex mari karo ama isugu iman karaan labadaas nin ( waa Maxamuud Xaashi iyo askariga'e) Mudo aan bilba gaadhin baa Maxamuud Xaashu uu Askarigu ka eryey "Xusbiga Qudhmiye" Ka saaray golahii fulinta, ka qaaday xubin-nimadda Xusbiga iyo tii golaha dhexe, markaas bal kuwa maanta wax wad-wadaa, maxay mudadda intaas leeg ee aanay waxaasi dhicin wax u samayn waayeen. Midda kale maxaaa ku kelifay wakhtigan? Maxamuud Xaashi imika buu dhakhso ugu noqonayaa Hargeysa, waxana hadda uu Xusbiga Waddani u diyaarinayaa Xafaladdii uu ku soo geli lahaa " Waddani" oo maalma-hanba socotay, ku darsadda oo garabkii uu watay Maxamuud Xaashi, waxay ka qayb galeen dhamaan-ba shirkii Xusbiga Waddani ee 2aad, waxa hadhay uun in loo sameeyo " Xafladdii soo dhawaynta oo qudha". Ta kale waxay war-baahinta ay soo huluuq-siiyeen kuwa waxaas ku hadlayaa, askariga baa telefoon u direy Maxamuud Xaashi, horta aan is weydino'e, Askarigu maskax-daas ma leeyahay? Ma samayn karaa? Muxuu u sheegi karaa Maxamuud? Maxamuud-se ma ka aqbli karaa waxa uu u sheegyo? Maxay-se yihiin waxa ay ka wadda hadli karaan? ee waan-waan ka dhex dhalin kartaa? su'aalahaa iyo qar kaloo badan, bay ahayd in ay is weydii-yaan dadka waxan soo qorayaa ama ku hadlayaa. ugu dambayn, Ma jirto mana dhici karto in uu maxamuud Xaashi mar kale ay meel wadda maraan. arinka cayn-kaas ahi, wuxu ka dhigan yahay " Naf go'day oo dib u soo noolaatay" Maba jirto meel ay labdaas nin ka wadda bilaabi karaan wadda hadal, ee candhuuf-tiina dib uga liqa arin-kaasi, mid ka suuro-gal ah Ina Xaashi maahee.
*N.B Nimaan Kuu Tudhin, Isna Haw Tudhin!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!