Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Digniin Kasoo Saaray Boobka Doorashada Golaha Shacabka

0
Sunday November 28, 2021 - 09:27:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Digniin Kasoo Saaray Boobka Doorashada Golaha Shacabka

    Kulanka ayaa hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada


Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.


Kulanka ayaa hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka, isagoo ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.



 

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay siyaasadda ku milmaan, islamarkaana ay u shaqeeyaan Madaxda maamul goboleedyada.


Waxaa uu xusay in cidba lagula xisaabtami doono Masuuliyad loo xil saaray ee ku aadan hirgalinta doorashooyinka.


Midowga Musharaxiinta ayaa gabi ahaanba qaadacay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay sheegeen in ay ku bilaabatay hab boob ah.


Loading...
Loading...