Dal Magaalooyin Ka Dhisaya Badda Dusheeda

0
Sunday November 28, 2021 - 08:58:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Magaalooyin Ka Dhisaya Badda Dusheeda

    "Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan"

Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreeysay magaalooyin ka dhisaya badda dusheeda, waxaana mashruucan ka tageereysaa Qaramada Midoobey.

Mashruucan ayaa la filayaa in la dhameystiro dabayaaqada sanadkan.



Ujeedka magaalooyinkan looga hirgelinayo badda dusheeda ayaa ah sidii looga hortaggi lahaa dhibaatootyinka ka dhasha cimilada kulul iyo sare u kaca biyaha badda.


Waxaana kamid ah magaalo laga dhisayo meel u dhaw xeebaha Busan oo inta badan ka hortagga muujadaha badda iyo daadaadka.


Injineerada naqshadeynayo mashruucan ayaa ku rajo weyn in dhistaanka magaalooyin dhowr ah oo isku filan isla markaana leh korontada cadceeda laga dhaliyo, lagana heli karo adeegyada cuntada iyo biyo nadiif ah.

Mashrcuucan ayaa qeyb ka ah heshiis lala galay Qaramada Midoobey kaas oo looga golleeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha ku dhawaad 6 dal oo ku yaalla dunida.


Busan waxaa ku nool 3.4 malyan oo qof, waxaana ku yaalla mid kamid ah dekedaha ugu mashquulka badan adduunka, waxay kamid tahay meelaha ugu halista ugu jira saameynta ka dhalan karta sare u kaca heerka biyaha badda.


Khuburrada waxay saadaalinayaan in dabayaaqada sanadkan ay sare u kici karaan heerka biyaha badda taas oo saameyn ku yeelan karta nolosha malaayin qof oo ku nool magaalooyinka dhaca xeebaha ee adduunka.

Kuuriyada Koonfureed ayaa halis ugu jirtaa masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, dhul go'a, fatahaadaha iyo dhul gariirka


Waxay ku rajo weyn yihiin in magaalooyinka laga dul dhisayo badda ay ka hortaggi karaan halista noocaas ah.

Waxaana lagu wadaa in marka la dhameystiro mashruucan in la dejiyo 10,000 qof.


Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan maadama dalkan ay dhibaato ku hayaan sare u kaca biyaha badda.


Sida ku xusan daraasad la sameeyay, dalka Netherlands wuxuu dhaqaale badan ka sameeyaa guryaha laga dul dhisay biyaha badda, kuwaas oo qaarkood uu ka muuqdo naqshadihii hore ee taariikhda u ahaa waddankaas.

 

BBC

Loading...
Loading...