Roobab Ka Curtay Deegaannada Laasgeel, Cadaadlay Iyo Madheera

0
Sunday November 28, 2021 - 08:43:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Ka Curtay Deegaannada Laasgeel, Cadaadlay Iyo Madheera

    "Roobabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ka taagan yihiin abaaro iyo biyo la'aan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Roobabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ka taagan yihiin abaaro iyo biyo la'aan"

Hargeysa (HWN) – Guddoomiyaha degmada Laasgeel ee gobolka Maroodijeex Mustafe Ibraahin Cismaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee SOLNA in roobka xeebta ka da’a ee xayska loo yaqaanoo uu ka curtay deegaannada hoostagga degmadaasi.

 

Guddoomiyaha degmada Laasgeel ayaa sheegay in roobka xaysku uu ka curtay degmooyinka Laasgeel iyo cadaadlay oo hostagga gobolka Maroodijeex, waxaana uu tilmaamay in bulshada ku dhaqan jiidahaasi ay ku diirsadeen roobabkaasi, guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay dadweynaha inay ka faa’ideystaan roobabkaasi curtay.

 

Roobabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ka taagan yihiin abaaro iyo biyo la’aan ba’ani, gaar ahaan gobollada Togdheer iyo Sool, oo laga oogay salaado roob doon ah.


Loading...
Loading...