Villa Soomaaliya oo loo magacaabay Agaasime BURCO kasoo jeeda.

0
Saturday November 27, 2021 - 15:59:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Villa Soomaaliya oo loo magacaabay Agaasime BURCO kasoo jeeda.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu

May be an image of 1 person and beard



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Prof. Maxamed Dheere ayaa xilligan muhiimka ah kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.
Loading...
Loading...