Maayar Mooge Oo Sheegay In Heshiisyo Caalamiya Uu La Soo Galay Shirkado

0
Saturday November 27, 2021 - 13:44:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Mooge Oo Sheegay In Heshiisyo Caalamiya Uu La Soo Galay Shirkado

    Waxaa Ka mid ah Qodobadii Ka soo Baxay Kulanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Ka mid ah Qodobadii Ka soo Baxay Kulanka.

Hargaysa (HWN) Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay inuu heshiisyo caalami ah la soo galay Shirkaddo Dawladda hoose ka caawin doona adeegyo kala duwan.



Maayarka ayaa sidan ka sheegay kulan toddobaadlaha ah Golaha Deegaanku iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.


"Kulanka Todobaadlaha ah oo Sabti Kasta Ka dhaca Hoolka Shirarka Dawladda Hoose  oo ay ku kulmaan,Golaha Fulinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa oo uu Hogaaminayo Maayarka Caasimadda Mudane Cabdikariin Ahmed Mooge, Gudoomiyayaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha Waaxaha kala Duwan, Maamulka ShirkadahaNadaafadda


Waxaa Ka mid ah Qodobadii Ka soo Baxay Kulanka.

1. Maayarka Caasimadda oo warbixin Kooban Ka bixiyay Safaradii shaqo ee uu  ugu maqnaa Dalka Dibadiisa,waxaana uu Maayarku sheegay in Heshiisyo Caalami ah uu La soo galay Shirkado Dawladda Hoose ka Caawin Doona Maaraynta qashinka,Dhismaha Wadooyinka,Fayadhawrka Caafimaadka.


2. In Istaanada Basaska ee ku dhex jira gudaha Caasimadda Loo Sameeyo Goob ku Haboon oo ay Dadka Ka qaadan.


3. In Caasimadda Hargaysa laga Bilaabo Dhiraynta Goobaha Muhiimka ah.


4. Dardargalinta Cashuuraha Si Kor loogu Qaado Waxqabadka Caasimadda.


5. Dhiirigalinta iyo Abaal marinta Shaqaalaha Dawladda Hoose gaar ahaan kuwii ugu shaqada badnaa.


6. Dayactirka Iyo Dib u dhiska Xaruumaha ay ku shaqeeyaan Maamulka Degmooyinka Caasimadda Hargaysa."

Loading...
Loading...