Wada Hadalkii Maxamuud Xaashi Iyo Madaxweyne Muuse.

0
Saturday November 27, 2021 - 08:58:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada Hadalkii Maxamuud Xaashi Iyo Madaxweyne Muuse.

    Qore: Mukhtar Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Mukhtar Cilmi

Ilaa shalay ayaa la hadal hayey wada hadal ufurmay madaxweyne muuse biixi iyo siyaasi maxamuud xaashi oo dhawaan kusoo laabanaya dalka, waxay ku noqotay waji gabax ciyaalkii waddani ee khiyaaliga iska dhaadhicin jiray wala noo imanaya!!, wada Hadalkii Madaxwayne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi oo Guul Ku Soo Dhamaaday Sida ilo Xog Ogaal ah oo ka Ag dhaw labada masuul soo sheegayn.

 

Sida la xaqiijiyay madaxwaynaha somaliland iyo Siyaasi Maxamuud xaashi ayay wada hadal u socdeen mudooyinkanba kaas oo madaxwayne muuse ku Rabay inuu ku soo xero galiyo siyaasiga dibad wareega ah ee Maxamuud xaashi oo ah ninkii ka danbeeyay guushii 2017 muuse biixi ka gadhay doorashada balse markii danbe isku khilafeen wareejinta xisbiga.

 

Sida xaqiijiyay muuse biixi ayaa hada ogalaaday in uu Maxamuud xaashi ku wareejiyo xisbiga si ku meel gaadh ah isaga oona ka dalbaday inuu tageero uu ka dhiciyo xisbiga Wadani oo kala wareegay tageeradii gobolada bariga somaliland. Maxamuud xaashi ayaa aqbalay arinkaa isaga oo dalbaday in lagu wareejin ee la doorto doorashada soo socota si hawlaha xisbiga uu durbaba u bilaabo.

 

Halka waddani been been dadka usheegayeen wada hadaladii meel fican bay maraya!lkn runti way fadhilmayn wada hadalkii waayo maxamuud xaashi wuxu rabay in u la wareego waddani manay dhicin. Sida darteed cirro wu ku khasaaray siyaasadii,xisbigi iibi ,ururadina waa la furaya, khasaaro jooga ninkii dhama..

 

Qore mukhtar cilmi

[email protected] 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...