Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday November 27, 2021 - 08:43:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaasha mudnaanta iyo maamuuska lahoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaasha mudnaanta iyo maamuuska lahoow.

Salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada sheeko kale oo qosol leh oo ka mid ah sheekooyinkeennii la magacbaxay, Ila Qosol.

 

Gabadh jaariyad ah oo guri u shaqayn jirtey, ayay haweeneyd ay u shaqayneysey ka shakiday; in ninkeedu damacsan yahay in uu guursado gabadhan u shaqaysa!! Markaasay islaantii guriga lahayd  dhawr jeer is-ku -dayday, in ay gabadha shaaqiyadda ah guriga ka erido - wayse u suurtoobi weydey!

 

Haddaba, iyada oo haweeneydu tuhunkaasi qabta; ayuu odaygii islaantii war kale ula yimid oo ku yidhi, " Heblaayooy, wax badan baad soo rafaadday oo aad noo soo tabcaysey aniyo carruurta ee sannadkan waxan gartay; in aad xajka tagtid."

 

Islaantii oo markii horaba tuhun ku jirey, ayaa sii shakiday oo ku tidhi odaygii, " OO adigu miyaanad i kaxaynaynin?" Kolkaasuu ugu jawaabey, ayaynnu carruurta iyo reerka kaga tagi - haddii aynnu is raacno!?

 

Dabadeedna, inta ay islaantii sii shakiday, ayay odaygii ku tidhi, "Haddii ay arrintu sidaasi tahay, aannu aniga iyo inantu soo xajino ee reerka sii hay!"

 

Wuxu ugu jawaabey, " Oo inantu ma lacag bay haysataa maxay ku soo xajiyi?"

 

Markaasi ayay islaantii ugu jawaabtay, " Haddaa anigu sannadkan waan iska joogiye, inantu ha soo xajido!!"

 

"Ayaa dabaal ah ee duurka loo diri?" La isku fiirsey!

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...