Baashaa Leh
Haddii aan faalo kooban ka bixiyo qudbadii Xirsi ee ‘Baashaa Leh’, waxa aan hubaa in Xirsi yahay nin cuqdadi dhaamisay oo aan isbedeli karin, isbedela keeni karin.
Xirsi waxa uu ku faanay in isaga iyo xisbiga dhowaan lagu wareejiyay ee Wadani ay isbedel keeni doonaan, waxaase iskaga murugsan labada erey ee ‘bedel’ iyo ‘isbedel’.
Aniga aqoontayda, bedel iyo isbedel waa laba erey oo isku jifo ah laakiin xambaarsan macneyaal kala duwan.
Bedel waa gedi ama doori. Waa shay ama wax aad bedeshay qaabkii hore ee uu u yaalay, midabkii hore ee uu ahaa ama magacii hore ee loo yaqaanay.
Isbedel waa tirtir oo wax cusub oo wixii hore ka duwan keen. Waa shay ama wax aad gebi ahaanba bedeshay tayadiisa.
Su’aasha koowaad ee aan jeclahay in aan la wadaago akhristayaashayda ayaa ah, ‘yaa isbedel dhalin kara?’ Sida ay aniga ila tahay waxa is bedel dhalin kara qof isagu isbedelka iska bilaabi kara, isna bedeli kara. Haddii aan si kale u dhigo qofku isbedel ma dhalin karo ilaa uu isagu isbedelo.
Shaki kuma jiro in uu Xirsi bedelay Xisbigii Kulmiye ee uu raad qaadka siyaasada ka soo bilaabay, waxaase xaqiiq ah in aanu Xirsi isbedelin ee uu yahay Xirsi gii aynu naqaanay ee naanaysaha badnaa.
Xirsi waxa uu buugiisa ‘From Bush to Presidency’ ee isku dhex daadsan ku xusay in uu soo maray xiliyo ba’an oo naftiisa duruus adag u dhigay, taasina gogol dhig u noqotay fursada guushiisa iyo in kala guurkii iyo barakacii abaartii dabadheer ay bareen beelo wada yaal qabyaalad la’aan.
Haddii aan qiyaaso, Xirsi waa nin qabyaaladu dhiigiisa xushay dhufaysna ka samaysatay dhuuxiisa. Sida ku cad buugiisa ‘From Bush to Presidency,’ waa nin reernimada iyo qabyaaladu quud u noqotay. Sheegasho fariidnimo badan, firfircooni iyo faan rikoodhka jebiyay ka sokow waxa uu buugiisa si weyn ugu xusay libintii iyo guushii gurmadkii abaartii dabadheerna siiyay Ismaaciil Ali Abokor oo uu sheegay in ay degaan ka soo wada jeedeen. Gurmadkii abaartii dabadheer waxa uu ahaa mid aad u balaadhan ayna libinteeda lahaayeen dawladii Kacaanka iyo isbahaysigii Soviet Union. Xirsi waxaa kale oo uu buugiisa ku sheegay in uu fursada shaqo ka helay ganacsatada beeshiisa ugana sii gudbay xisbigii Kulmiye ee adeerkii gadhwadeenka ka ahaa.
Xirsi markii uu atooraha ka ahaa Madaxtooyada Somaliland waxa ay cunsuriyadiisu gaadhay meelo badan gude iyo dibedba. Waxa aan markhaati ka ahaa in uu kala qaybin, eex iyo qabyaalad cad kula kucay jaaliyada reer Somaliland ee magaalada aan ku noolahay. Waxa uu shaqo abuur, mushahar iyo maalgelino u sameeyay qaar ka mid ah beesha uu ka soo jeedo, waxaana uu dhaqaale kumanaan dollar ah hawada u soo mariyay ururada samafalka ee beeshiisa. Xirsi waxa uu libinta guushii Citiraafkii Sheffield kala xarbiyay dadkii hawshaa hormoodka ka ahaa ee aan beeshiisa ahayn. Waxa uu tigidho u soo diray Madaxtooyada Somaliland na ku casumay qaar ka mid ah beeshiisa oo aan haba yaraatee gacan ka geysan guushii citiraafka, wakhtigii hawshaa loo halgamaayayna dembiyo musuqmaasuq jeelasha ugu jirey. Runtii, anigu kama mid ahayn dadkii hawshaa qabtay wakhtina igama gelin laakiin dusha ayaan kala socday waxaana fajaciso igu riday dagaalkii ba’naa ee uu xirsi u galay in uu xaqiro libintana ka tirtiro dadkii hawshaa ka midho dhaliyay oo ahaa kuwo aan beeshiisa ka soo jeedin.
Shirkadaha uu wakhtigaa Xirsi maal geliyay xafiisna uga furay magaalada Sheffield waxa know ka ahayd shirkadii markii dambe la waayay meel ay ka baxday ee SAWA Resources. SAWA Resources waxay ahayd shirkad loogu tala galay in lagu suuq geeyo saliida la filaayay in laga soo saaro Somaliland iyo khayraadka kale ee Somaliland.
Runtii qoraalkan kuma soo koobi karo musuqa, dembiyada iyo gefka uu Xirsi ka galay umada Somaliland. Xirsi waxa uu jeelka dhigay gabadh yar oo text message dirtay, waxa uu albaabada u xidhay xafiisyadii wargeysyada ee wax ka qoray musuqii iyo lacagahii uu u soo diray qaar ka mid ah beeshiisa Sheffield, waxaana uu cabudhin xoog leh kula kacay saxaafada madaxa banaan.
Su’aasha labaad ee aan jeclahay in aan akhristayaashayda la wadaago ayaa ah, ‘Xirsi ma garwaaqsaday godobta iyo dembiyada uu galay, raali gelinse ma ka bixiyay?’
Sida aan rumaysnahay jawaabtu waa maya. Xirsi weli waxa uu hayaa dhabadii lagu yiqiin ee gocondhada badnayd. Waxa uu sheekadiisii xanafta lahayd ee ‘sanka caano ka keen,’ ee uu kaga sheekeeyay adeerkiisii xaasaskiisa leglegdi jiray ku soo biiriyay sheekada, ‘Baashaa leh,’ ee uu kaga sheekeeyay nin dukaan loo dhiibay oo aan garanayn qiimaha badeecada dukaanka taal. Labadaa sheeko ee Xirsi qudbadihiisa ku soo qaatay waxaa ku cad qayral masuulnimo iyo dulmi. Anigu sida aan u turjuntay Xirsi waa nin qayral masuulnimada iyo dulmiga wax wacan u haysta kuna faana.
Isbedelada Somaliland ku caanamaali karto waxaa know ka ah in masuuliyiinta iyo siyaasiyiintu isbedelaan si ay u noqdaan kuwo isbedel dhalin kara.
Guntii iyo gabagabadii, Somaliland waxay u baahan tahay xisbiyo cusub oo ay hormood ka yihiin wejiyo cusub oo aan hore siyaasada ugu fashilmin.
Allaa Mahad Leh
© Amina Souleiman
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!