Guddoomiye Xirsi Oo Ka Warbixiyay Kulamaddii Ay La Qaateen Dalalka Somaliland Ka taageera Doorashooyinka
Guddoomiye Xirsi Oo Ka Warbixiyay Kulamaddii Ay La Qaateen Dalalka Somaliland Ka taageera Doorashooyinka
Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa ka warbixiyay safarkii shaqo ee ay ku joogeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Guddoomiye Xirsi Xaaji Cali Xasan waxa uu sheegay inay maalintii labaad ku gudo-jiraan kulamadda Safaaraddaha iyo dalalka Somaliland ka taageera qabsoomidda doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, waxaannu sheegay inay kulamo la qaateen Safaaradda Canada oo uu sheegay inay ku cusub tahay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo Safaaradda Denmark oo ka mida dalalka Somaliland ka caawiya doorashooyinka.
Gudddoomiye Xirsi oo qoraal koobban ku baahiyay barta uu ku leeyahay FACEBOOK-ga, ayaa waxa uu kaga hadlay kulamadii ay maanta yeesheen iyo waxyaabihii uga soo baxay.
"Maalintii labaad ayay weli noo socdaan kulamadii, waxaannuna kulamo kala duwan la qaadannay safaaradaha Denmark, Xafiiska EU-da ee Nairobi iyo Safaaradda Canada oo iyadu ku cusbayd arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Dhammaan kulamadaasi waxay noogu dhammaadeen is afgarad iyo guul, berritana waxaan leennahay kulamo kale oo muhiim ah, waxaanan rejaynayaa inay noogu soo idlaadaan guul iyo wanaag. Danta Somaliland ayaa inoo ballan ah." Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan
Loading...
Loading...