Ergo Isku Soo Dhawaynaysa Muuse Biixi Iyo Maxamuud Xaashi & Halka Uu Ku Dambeeyey Wada Hadalkii WADDANI

0
Thursday November 25, 2021 - 12:03:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergo Isku Soo Dhawaynaysa Muuse Biixi Iyo Maxamuud Xaashi & Halka Uu Ku Dambeeyey Wada Hadalkii WADDANI

    "Dadaalladan siyaasadeed ee qarsoodiga ah ayaa ku soo beegmay markii Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi,..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadaalladan siyaasadeed ee qarsoodiga ah ayaa ku soo beegmay markii Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi,..."

Hargeysa, - (HWN)- Kadib markii ay hakadeen wada hadalladii Garabka Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi uu la lahaa Xisbiga Mucaaridka ugu weyn ee WADDANI, sidoo kalena shirweynihii xisbigaasi lagu doortay Hogaanka cusub ee shanta sano ee soo socda mayalka u hayn doona, waxa isa soo taraya xogo cusub oo ku aaddan siyaasiyiin, ganacsato iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal oo bilaabay olole ay isaga dab qaadayaan, isuguna soo jiidayaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo dalka dibaddiisa ku maqan.



Ilo-wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyadan cusub ee ay bilaabeen siyaasiyiin, odayaal iyo ganacsato is xilqaamay oo beesha Madaxweynaha ka soo jeedaa waxa ay tibaaxayaan in isku dayo ay isugu soo jiidayaan Madaxweynaha iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi ay ku hawlan yihiin kuwaasi oo aan illaa imika wax natiijo ahi ka soo bixin.


Dadaalladan siyaasadeed ee qarsoodiga ah ayaa ku soo beegmay markii Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland uu ka baaqsaday in uu ka qayb galo Shirweynihii 2aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI sidaana uu dalka kaga dhoofay maalmo ka hor shirka iyo sidoo kale doorashada shirweynahaaasi Guddoomiyaha xisbiga loogu doortay Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay isku beel ka soo jeedaan Siyaasi Maxamuud Xaashi arrintaasi oo u muuqata in ay laciifisay hoosna u dhigtay fursaddii siyaasadeed ee Maxamuud ku rabay ugu yaraan gorgortan xisbiga WADDANI uu kula galo xil weyn iyo saami ballaadhan oo ay garabkiisu ka helaan xisbigaasi.


Dadaalladan ay kooxdan is xilqaantay bilaabeen ayaanay wax natiijo ahi ka soo bixin iyada oo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ku adkaysanayo sidii uu dagaal siyaasadeed oo culus ula gali lahaa Madaxweyne Biixi, xisbiga KULMIYE-na aanay jirin wax rajo ah oo ugu laabani marka la eego qaabkii bah-dilka ahaa ee ay hore ugu sheegeen madaxda xisbigaasi in ay Maxamuud Xaashi kaga caydhiyeen xisbiga.


Dhinaca kale waxa Iyana wali laalan oo aan haba yaraatee wax xog ah laga hayn xidhiidho hoose oo hore loo sheegay in ay u dhex mareen Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen, xidhiidhadaasi oo la xidhiidhay sidii Maxamuud Xaashi ugu soo bixi lahaa Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysalna baaqi ugu sii ahaan lahaa Musharraxnimada xisbiga UCID taasoo Iyana wakhtigan u muuqata mid rajadeedu soo gudhay lana ogayn halka ay ku dambaysay.


Ilo-wareedyo xog ogaal ahi waxa ay wargeyska Foore u sheegeen in ay wali talo iskula maqan yihiin garabka Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, marka uu maalmaha soo socda dalka ku soo laabtana uu soo bixi doono go’aankooda kama dambaysta ahi iyada oo ay jiraan wali rajo ay kooxdani ka qabto in ay kula midoobaan xisbiga WADDANI. Dhinaca kalena masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay aad uga dhur sugayaan una danaynayaan in natiijo togani uga soo baxdo wada hadalladaasi garabkaasina xisbiga WADDANI ugu dambayn ku biiro. Dhawaan ayay ahayd markii WADDANI sheegay inay la heshiinayaan.


Loading...
Loading...