Garyaqaan Sheegay In Uu Qalad Ku Jiro Go'aan Ay Shalay Soo Saartay Maxkamada Sare Ee SLAND

0
Thursday November 25, 2021 - 09:27:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Sheegay In Uu Qalad Ku Jiro Go'aan Ay Shalay Soo Saartay Maxkamada Sare Ee SLAND

    "Waaxuhu waa inay shaqada isku ixtiramaan oo aanay isku Gacan dhaafin".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waaxuhu waa inay shaqada isku ixtiramaan oo aanay isku Gacan dhaafin".

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Mubaarik Cabdi ayaa sheegay in qalad ku jiro  qaraarka maamul ee maxkamada sare ka soo saartay dacwad ay ugudbiyeen aqlabiyada xildhibaanada golaha deegaanka ee Gabilay oo ka dhan ahayd maayarka golaha deegaanka Gabilay, waxaanu qoraal uu baahiyay garyaqaanku ku sheegay sida:-



Qaraarka Maamul ee ay Maanta soo saartay Maxkamada sare ee JSL sharci ahaan Maxaa ka qaldan ? Ma ka jawaabtay Cabashadii Xildhibaanadi Degmada Gabiley Racfanalayaal iyo qareenadoodi?


Ugu horayn Maxkamadu waxay khilaaftay Hanaanka Garqaadista cadaalada ah ee ku xusan xeerka Habka Madaniga ah Gaar ahaan qaybta Racfaanada khusaysa ,oo waajibinaysa in marka Racfaan Maxakamada imaado uu dhinaca kale ee Racfaansanuhu ka soo jawaabo cabashada Racfaanka , ka dibna loo qabto fadhi lagu dhagaysanayo dacwada iyo dooda u dhaxaysa dhinacyada .


Nasiib daro taasi ma dhicin sida ku qoran Go,aanka Maxakamada waxa kaliya ee ay maxakamadu qaraarekeeda ku salaysay waa Go,aanki wasaarada Arrimaha Gudaha oo ah kii isaga laga cabanayay waxay se xeer ahaan ahayd inay wasaaradu ka soo jawaabto cabashada dhinaca diidan sharcinimada go,aankeeda ,Maxakamaduna isla eegto oo daristo dooda dhinacyada iyo qoraaladooda.


Sida uu ina farayo xeerka Nidaamka Garsoorka soomaliland Dacwadaha ay Waaxda xukuumadu dhinaca ka tahay waxa matalaya oo ka hor difaacaya maxakamadaha Hortooda xafiiska Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka - JSL oo ah Qareenka Guud ee Dawlada , Qaraarka Maxakamadana kuma xusna Qoraal ama Dood uu leeyahay Garyaqaanka Guudi.


2)Maxakamadu waxay qaraarkeeda ku salaysay inuu Go,aanku wada khuseeyo Dawladaha Hoose oo dalka oo dhan ,Racfaanlayaashuna aanay Wakaalad Matalaad ah ka haysan xubnaha Golayaasha deegaanada ee dalka intiisa kale ? Tani muhiim maaha waana sharci jabin iyo duudsi xuquuqeed Xeerka caalamiga ah iyo kan maxaliga ahiba waxay muwadiniinta u damaanad qaadayaan xaqa dacwada iyo is difaaca.


Go,aan kasta oo idaari ah Qof baa ka caban kara ama Ha,yad dawli ah ama qof caadi ah ,cid kasta oo u aragta inuu Go,aankaasi samaynayo way ka caban kartaa ,Maxakamadana waxa waajib ku ah inay ka go,aan gaadho cabashada u timaada uun.


3)Inaga oo eegayna Awoodaha uu dastuurku u xadeeyay Maxakmaduhu waa "U Garnaqa Dadka iyo dawlada ,Laamaha dawlada dhaxdooda iyo dadka dhaxdooda .


4)Go,aan Maamul /Wasiir/ Wasaradeed amaba Go,aan Maxakamadeed ma lagu baabin karaa Xeer dhaqan Gal oo Barlamaanku Ansixiyay jawaabta oo kooban waa Maya , Maadama uu wax ka bedalka xeerka Is maamulka degmooyinka iyo Gobolada xeer L/R 23/2019 uu Golayaasha deegaanka siiyay xaqa ah inay yeeshaan fadhiyo caadi ah iyo kuwa aan caadi ahaynba Xafiis kale kama qaadi karo hadii uu yahay wasaarada ama xukuumada.

Ugu dambayntii shaqada Ha,yadaha dawlada ee kala soocani waa sidan fuduud ee hoos ku faahfaasan .


A)Waaxda Xeer Dejinta "Shaqadeedu waa soo saarista xeerarka dalku u baahan yahay iyo Qaraaro Gole"

B)Waaxda Garsoorka "Shaqadeedu waa Dabaqaada iyo Tafsiirka xeerarka ay soo saaran waaxda Xeer Dejintu".

c)Waaxda Xukuumada "Shaqadeedu waa Fulinta Go,aanada ka soo baxa Maxakamadaha iyo Fulinta xeerarka ay soo saaraan xeer dajiyayaashu".


"Waaxuhu waa inay shaqada isku ixtiramaan oo aanay isku Gacan dhaafin".

Loading...
Loading...