Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Dhuusamareeb

0
Thursday November 25, 2021 - 08:26:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Dhuusamareeb

    Kursiga tirsigiisu yahay Hop067 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kursiga tirsigiisu yahay Hop067 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey



Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.


Guddiga doorashada Galmudug ayaa xalay shaaca ka qaaday in doorashada Maanta ka dhaceysa ay kuraastooda kala yihiin Hop043 iyo Hop067, waxaana kuraastaas loo diiwaan-geliyay Musharaxiin dhowr ah oo isku soo sharaxay inay u tartamaan.



Kursiga tirsigiisu yahay Hop067 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Caddoow Cali Gees, waxaana haatan Musharaxiinta ku tartameysa kamid ah Taliyiha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey.


Doorashada kuraastan Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa yihiin kuwo natiijadooda la sii ogyahay oo xubnaha ku soo baxaya ay calaameysan yihiin.


Shalay ayey aheyd markii doorashada laba kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay ka dhacday Dhuusamareeb, isla markaana waxaa kursiga tirsigiisu Hop104 ku soo kala baxay Mahad Cabdalla Cawad, halka Yuusuf Geelle Ugaas isna la doortay.

Loading...
Loading...