Militeriga Soomaaliya Oo Looga Digay Inay Ku Lug Lahaadaan Doorashada
Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa uga digay ciidamadooda inay si toos ah ama si dadban ugu lug yeeshaan doorashada hadda socota.
Taliyaha ciidamada dhulka Janaraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa sheegay in sarkaalka ama askariga lagu helo inuu doorashada farogaliyo uu mudan doono ciqaab adag.
Janaraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay uga digayaan inay ku lug lahaadaan doorashada isla markaana ay shaqadooda inay sugaan amniga magaalooyinka ay doorashada ay ka dhacayaan iyo kuwa aysan ka dhaceynin.
"Kama qeybgaleyno doorashada, doorashada waa in aan ammaankeedu sugno, waajibaadka qaranka uu nagu leeyahay waa in aan kasoo dhalaalno, marka ergo kama qeybgaleyno"
Janaraal Biixi ayaa warkan ka sheegay booqasho uu ku marayay xeryaha ciidamada milatariga ee gobolka Shabeellada Dhexe.
BBC

"Kama qeybgaleyno doorashada, doorashada waa in aan ammaankeedu sugno”