Muuse Biixi Oo Kulamo Kale Duwan Haldoorka Beeshiisa Kula Yeeshay Hargeysa, Berbera & Qodobada Uu Kala Hadlay

0
Wednesday November 24, 2021 - 18:54:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Kulamo Kale Duwan Haldoorka Beeshiisa Kula Yeeshay Hargeysa, Berbera & Qodobada Uu Kala Hadlay

    "Madaxweyne Biixi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaan shirar doceed-yo iyo wadda tashi uu la yeellanayey xubnaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Biixi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaan shirar doceed-yo iyo wadda tashi uu la yeellanayey xubnaha"

Hargaysa (HWN) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in kullamo gaar gaar ah uu kula yeeshay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera xubno haldoorka Beeshiisa ah,kuwaas oo ay iska xog-warraysteen qorshayeeshiisa siyaasadeed ee mustaqbalka iyo dumaasha Guddoomiyenimadda Xisbiga KULMIYE iyo arrimo kale.

 

Madaxweyne Biixi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaan shirar doceed-yo iyo wadda tashi uu la yeellanayey xubnaha Beeshiisa kuwooda uu bidayey inay wax ku biirin karrayaan,ayaa xoggo uu wargeyska Waaberi helay ay sheegeen in inta baddan qoddobada uu kale hadlay ay ugu mihiimsanayeen saddex qoddob ,kuwaas oo kale ahaa in doorashada Madaxtooyadda ay ka go’antay inuu wakhtigeeda uu ku qabto iyo dumaasha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Musharrax-nimadiisa

 

Kullamadan oo kii ugu dambeeyey uu toddobaadkan ka dhacay Magaalada Berbera ayaa la sheegay in ay inta baddan xubnaha uu Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera uu kulamada kula yeeshay in ay hal qoddob ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen,kaas oo ahaa in doorashada Madaxtooyadda uu wakhtigeedii ku qabanayo,waxaanay qoddobkan u soo dhaweeyeen si weyn, kaas oo ay arkaan inuu yahay mihiim,isla markaana uu taariikhda u gellayo Madaxweynaha ka soo jeeda Beeshooda iyo guud ahaan-ba Beesha Subeer Awal oo ay u arkaan in arrintani ay sharaf u tahay.

 

Dhanka kalene Xoggaha ayaa sheegay xubnaha kale duwan ee uu Madaxweyne Biixi kullamada gaar gaarka ah uu kula yeeshay Hargeysa iyo Berbera ee Beeshiisu ay qoddobka labaad ee wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ay u arkayeen mid uu la soo daahay,isla markaana aan hadda wax-ba u tarayn loona baahnaa inuu wakhti hore uu tallaabaadaa qaado,haseyeeshee waxay kula taliyeen in ciddii uu dantiisa ka arko Gafaadhi iyo Maxamed Kaahin uu ku wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirka golaha dhexe ee KULMIYE.

 

Sidoo kalena xoggaha ayaa sheegay in qoddobka Musharraxnimadiisa ay ku kale qaybsameen,waxaana la sheegay in qaarkood ay ugu baaqeen in aanu doorashada Madaxtooyadda isa soo sharraxin,taas oo ay ku sababeeyeen in tageerayaashiisii uu lumiyey,isla markaana ay iyaga laftoodu ay jiraan dad baddan oo beeshooda ah oo aan u coddaynay Madaxweyne Biixi mar dambe,marka laga yimaado beelaha kale,waxaanay u sheegeen in gelinka hore lagaga guulaysan doonno doorashada Madaxtooyadda,taas oo ay u sheegeen in aanay sharaftiisa iyo ta beesha u wanaagsanayn, halka xubnaha reer Berbera ee uu la kulmayna ay u sheegeen inuu isa soo sharraxo,isla markaana ay beesha subeer awal diyaar u tahay,haseyeeshee loo baahan yahay inuu la yimaado qorshayeel kale oo uu ku kasban karro beelaha kale iyo qorshayaal kale.

 

Si Kastaba ha-ahaatee waxa la sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku adkaystay in tartanka doorashada Madaxtooyadda inuu ka qayb-gallo,isla markaana uu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,halka uu doorashada Madaxtooyaddana uu wakhtigeeda ku qaban doonno,waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo in Madaxweyne Biixi uu ku adkaysto inuu tartanka doorashada Madaxtooyadda gallo iyo inuu ka baqdo oo uu taa beddelkeeda curiyo muddo kordhin.


Loading...
Loading...