Wasaaradda Maaliyadda oo Adeeg wakhtiga u Madhxiya ku Tababaray Cashuur-bixiyeyaasha

0
Wednesday November 24, 2021 - 16:30:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda oo Adeeg wakhtiga u Madhxiya ku Tababaray Cashuur-bixiyeyaasha

    Nidaamkan casriga ah ee cashuur-bixinta ee lagu tabobarayey cashuur-bixiyayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamkan casriga ah ee cashuur-bixinta ee lagu tabobarayey cashuur-bixiyayaasha


Wasaaradda Maaliyadda ayaa shalay magaaladda Hargeysa ugu qabatay cashuur-bixiyeyaal kulan sanadle ah oo aqoon-is-waydaarsi ah, lagu barayey nidaamka cashuur-bixinta online-ka iyo dhaqangelinta awoodaha sharci ee cashuur-bixinta.


 

Kulan-hawleedkan oo ay ka soo qeybgaleen 150 cashuur-bixiye ayaa ka koobnaa aqoon-is-waydaarsi iyo talo-wadaag kana qabsoomay hotelka Casood ayaa si wayn loogu lafo-guray faa’idooyinka nidaamkan casriga ahi u leeyahay cashuur-bixiyayaasha.



 

Cashuur-bixiyayaasha ayaa sidoo kale lagu tabobaray Hanaanka casriga ah ee xisaab-celinta iyo cashuur-bixinta ee adeegsiga khadka tooska ah (Online Taxpayer Portal System), Meel-marinta awoodaha sharci ee ururinta cashuuraha iyo cashuurta iibka ee GST-ga, gaar ahaan hirgalinta mishiinada cashuurta iibka.


 

Nidaamkan casriga ah ee cashuur-bixinta ee lagu tabobarayey cashuur-bixiyayaasha ayaa u fududayn doona bixinta cashuuraha iyo xisaab-celintaba, isla markaana u ilaalin doona wakhtigii kaga lumi jiray cashuur-bixinta iyo xisaab-celintaba, taasoo iyagoo xafiisyadooda fadhiya ay bixin doonaan cashuurta sharcigu ku waajibiyey.


 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Md. Jamaal Caydiid Ibraahin, Agaasimaha Waaxda Cashuuraha-Berriga Md. Maxamed Ibraahin Batuun, Agaasimaha Waaxda Kastamada Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Waaxda shuruucda Maxamed Ismaaciil, oo hadalo ka jeediyey ayaa dhamaantood ku dheeraadeen muhiimada nidaamka casriga ah ee cashuur-bixintu leeyahay, isala markaana tilmaameen inuu culays badan ka furan doono cashuur-bixiyaasha.


 

Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda Amb. Rooda Jaamac Cilmi isla markaana ah ku-simaha Wasiirka Wasaaradda, oo kulanka furtay, ayaa sheegtay inay Wasaaradda Maaliyada u qorsheysan tahay sidii ay ganacsatada dib wax ugu soo celin lahayd, waxaanay sheegay inay diyaar u yihiin dhegeysiga cabashada cashuur-bixiyeyaasha iyo wax ka qabashadooda.

Loading...
Loading...